Sign in to follow this  
BiLaaL

U DIYAARGAROWGA MACRAKADA SHARAF SOO CELINTA (Baaq Shacabka Kujeedo)

Recommended Posts

BiLaaL   

BAAQ KU WAJAHAN SHACABKA SOOMALAIYEED

 

U DIYAARGAROWGA MACRAKADA SHARAF SOO CELINTA & DHIIG BAXA TIGREEGA

 

Muqdisho,10,February-07 (Qaadisiya.com) Waxaan halkaan salaan qiimo badan uga soo gudbineynaa shacabka Soomaaliyeed ee geesiga aan gaban ah iyo muqaawamada sharafta leh ee u halgameysa ka xoreynta dhulkeena cadowga saliibiyiinta ee ku soo duuley iyo murtaddiinta dabadhilifyada ah ee u adeega cadowga diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Walaalayaal waxaa soo dhowaatey maalintii aad ka guuleysan laheydeen cadowga iyo murtaddiintiisa, waxaad gaarsiiseen gumeysiga dhaawac culus oo ku qasbey dib u gurasho iyo inuu ogaado ineysan idinka dhoweyn inaad isku dhiibtaan gumeysiga Tigreega, dhulkeenana ka dhigto soonka 6-aad ee Itoobiya, dadkeenana galiyo gumeysi ay adkaato iska xoreyntiisu.

 

Walaalayaal waxaa nalakaga baahan yahey inaan yeelano dulqaad iyo sabir haddii uu nagu daba dheeraado halganku ama cadowgu uu shacabkeena gaarsiiyo khasaarooyin, adinkoo og in xoriyadda lagu hanan karo dhiig badan oo aan bixino, yeysan idin niyad jabin awood beenaadka cadowga, ma dhicin ummad looga guuleystey dhulkeeda haddii aysan aheyn umaddaasi mid gabigeedba ********** ah ama iimaankeedu daciif yahey. Ka tusaale qaata Ciraaq iyo dhibaatooyinka ay muqaawamadu dhaxalsiiso maalin kasta gumeystaha Mareykanka iyo Igiriiska, dib u fiiriya Mujaahidiinta Afgaanistaan iyo sida ay dhiigga dhegta ugu dareen ciidamada soo duuley ee Naato.

 

Saliibiyiinta dhulalka Ciraaq iyo Afgaanistaan way ka awood weyn yihiin kuwa Tigreega ah ee anaga nagu soo aadey, suurtagalna ma ahan inaan gaarsiin weyno khasaaro ay dib uga shalaayaan, dadka muslimka ahna faraxgeliya, waxaa noo hartey oo kaliya israacsiin iyo hal jug oo weyn taasna muqaawamadu waa u diyaargarowdey.

 

Hadaba muqaawamada Shacbiga dhulka Hijrooyinka oo hoos tagta Golaha Maxkmadaha Islaamka Soomaaliyeed waxey ugu yeereysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iney u diyaar garoobaan duulaanka la magacbaxey “ Sharaf soo celinta & Dhiig baxa Tigreega”, kaasoo qof kasta oo muslim ah oo ku sugan dhulka Soomaaliyeed looga baahan yahey inuu ka qeybqaato una dhaga nuglaado marka walaalaha muqaawamadu ay idinkugu yeeraan, lana soo qaato wax allaale iyo wixii cadowga dhib loogu geysan karo, waxaa looga baahan yahey dadweynaha xaafadda degen iney xiraan dhammaan wadooyinka xaafad walba ku aadan, waana inuusan askari cadwo ahi ku gaban gurigaada ama uusan ka ag dagaalamin ama aadan gabaad siin marka la jabiyo.

 

Kuwa soomaalida sheeganaya ee dabadilifyada ah waa murtaddiin banaanka ka ah diinta Islaamka yeysan wax jiir naxa idinka helin, ogaadana iney yihiin kuwa dalkiina iyo magaalooyinkiina soo geliyey saliibiyiinta arxan laawayaasha ah ee Tigreega, haddii aysan ayaga ahaan laheyna ma yimaadeen cadowgu dhulkiina, mana burburiyeen nabaddii iyo wanaagii aad ku nooleydeen, qofkii u kaalmeeya kuwaasna waa la mid loo aqoonsanayo cadow kalkaal .

 

Ugu danbeyntii waxey muqaawmaadu ku niyadsan tahey in cadowga laga guuleysan doono insha Allaah, cididii ka qeybqaatana ay sharaftaas heli doonto.

 

 

 

الله أكبر والعزة للإسلام والعاقبة للمتقين

 

 

Xaarith Abaa-saadiq

Isku duwaha Muqaawamada Shacabka

Muqdisho

21 Muxarram 1428H/// 09/02/2007

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this