Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Quint ee ‘Saaxiibada Soomaaliya’ oo wajaheysa jahwareer uu sababay Trump

Recommended Posts

Deeq A.   
Trump.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Washington (Caasimada Online) – Kooxda “Saaxiibbada Soomaaliya” ee loo yaqaan “Quint,” oo ka kooban Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Imaaraadka Carabta, Turkiga, iyo Qadar, ayaan wax kulan ah yeelan tan iyo 11-kii Oktoobar 2024, markaas oo ay shir ku yeesheen Ankara.

In kasta oo kulan lagu balamay inuu ka dhaco dhammaadkii sannadkii hore magaalada Dooxa, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalbaday in shirka lagu qabto Muqdisho halkii horey loogu qorsheeyay.

Dalabkan waa la oggolaaday, balse bilo badan ayaa laga jooga, mana jiro wax taariikh rasmi ah oo ilaa hadda loo gudbiyay dalalka xubnaha ka ah kooxda Quint, oo ku aaddan qabsoomidda kulanka.

Dib u dhaca shirka waxaa sabab u ah isbeddelka ku yimid hoggaanka Mareykanka, kaddib markii Donald Trump uu xafiiska la wareegay. Maamulka cusub ayaa weli ku kala qeybsan siyaasadda la xiriirta Soomaaliya iyo arrinta midnimada dalka.

Qaar ka mid ah la-taliyeyaasha madaxweynaha cusub ee Mareykanka, oo uu ka mid yahay J. Peter Pham, ergaygii hore ee gaarka ahaa ee gobolka Harooyinka Waaweyn, lagana filayo inuu hoggaamiyo siyaasadda Afrika, ayaa cadaawad u qaba Soomaalida.

Pham wuxuu si gaar ah u ololeynayey, muddo isaga oo lacag ka qaadanaya, in Somaliland si rasmi ah loo aqoonsado. Hase yeeshee, lama qabaan fikraddiisa xubno kale oo ka tirsan maamulka Trump.

Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale si hoose ula macaamila, una taageera ololeyaasha madaxbannaanida Somaliland, inkasta oo aanu banaanka soo dhigin, halka UK, inkasta oo aysan ahayn siyaasadda dowladda, ay siyaasiyiin badan taageeraan Somaliland.

Labada dal ee kaliya ee ku jira kooxda, ee si buuxda uga go’an tahay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya waa Turkiga iyo Qadar.

Si kastaba ha ahaatee, kulankii ugu dambeeyey kooxda oo ka dhacay Washington, ayaa bayaan ka soo baxay waxa uu si cad u muujiyay sida beesha caalamku ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka Soomaaliya, iyada oo diiradda la saarayo arrimaha amniga gobolka.

“Xulafada Quint ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta hay’adaha amniga ee Soomaaliya. Iyaga oo la jaan-qaadaya himiladan, waxay garab istaageen dadaallada dowladda federaalka ee lagu dhisayo ciidan xirfad leh, hufan, oo lala xisaabtami karo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Taageeradan ayaa lagama maarmaan u ah Soomaaliya, maadaama ay weli la tacaaleyso halista ay kooxaha argagixisada ahi ku hayaan amniga dalka iyo gobolka. Isku-dubaridka tababarada caalamiga ah ee ciidamada Soomaaliya ayaa muhiim u noqon doona in la xoojiyo awooddooda hawlgal, taasoo sii xoojinaysa kartida dalka ee sugidda amnigiisa muddada fog.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this