Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay in ay gacanta ku dhigtay Taliskii guud ee Daacish ka hoggaamin jirtay Hawlgallada Dunida

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1740714477161.jpg?resize=720%2C54

Dowladda Puntland oo shaacisay in uu si guul ah u dhammaystirmay wejigii labaad ee hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ISIL ayaa ka warbixisay Taliskii u danbeeyay ee laga qabtay kooxdaasi.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in wejigii labaad ee dagaalka Cirib-tirka Daacish uu si guul ah ku soo dhammaaday, kaddib markii Argagixisada laga saaray Taliskii ugu danbeeyay ee Dhasaan, oo ay ka hoggaamin jireen hawlgallada Caalamiga ah.

“Wejigii labaad ee hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada wuxu ku soo dhammaaday magaalada Dhasaan, oo ay ka hoggaaminaysay Argagixisada Daacish dhammaan hawlgallada Geeska Afrika iyo guud ahaan Caalamka, waana meesha lagu tababari jiray kuwa falalka isqarxinta ah ka fuliya dunida dhan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dagaalyahanno laga diray Taliska Dhasaan, kuwaasi oo weerarro Argagixiso ka fuliyay gudaha dalka Mareykanka, waxaana uu intaasi ku daray in Dhasaan ay xarun u ahayd hoggaamiyaasha sare ee mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish.

Halkaan ka daawo Hadalka Madaxweyne Deni

PUNTLAND POST

The post Puntland oo shaacisay in ay gacanta ku dhigtay Taliskii guud ee Daacish ka hoggaamin jirtay Hawlgallada Dunida appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this