Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Siciid Deni oo ku dhawaaqay wejiga saddexaad ee dagaalka cirib-tirka Argagixisada Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpeg?resize=660%2C364&ssl=1

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay magaalada Boosaaso ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay wejiga saddexaad ee dagaalka Cirib-tirka Argagixisada Daacish, kaddib markii uu si guul ah ku soo dhammaaday wejigii labaad ee dagaalkaasi.

Madaxweyne Siciid Deni oo bogaadiyay dhammaystirka wejiga labaad ee hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee maalmo ka hor lagu qabtay Taliskii Dhasaan ayaa ku dhawaaqay in maanta oo taariikhdu tahay 28 Febraayo 2025 uu bilaaban doono wejiga saddexaad ee dagaalka, kaasi oo firxadka dagaallamayaasha Daacish ee baxsadka ah lagaga sifaynayo degaannada Puntland.

“Waxaa rabaa maanta in aan halkaan uga dhawaaqo in wejigii labaad ee dagaalka uu soo geba-gaboobay, sidoo kalena berrito oo 28 bisha Febraayo uu wejigii saddexaad ee hawlgala bilaabanayo ilaa laga cirib-tirayo cid argagixiso ah oo Puntland dhaq dhaqaaq ku leh waa soconayaan wejiyada dagaalka markii mid dhammaado oo mid bilaabanayana waan u sheegi doonaa bulshada” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale hambalyo u diray dhammaan ciidamada Soomaaliyeed ee kooxaha Argagixisada kula dagaallamaya degaannada kala duwan ee Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaanna Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee dagaalka xooggan kula jira mileeshiyaadka Al-shabaab.

Halkaan ka daawo ku dhawaaqidda

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Siciid Deni oo ku dhawaaqay wejiga saddexaad ee dagaalka cirib-tirka Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this