Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkey: Hogaamiyaha PKK, Abdullah Ocalan oo go’aan taariikhi ah ku dhowaaqay

Recommended Posts

Deeq A.   
Abdullah-Ocalan.jpg?fit=1024%2C576&ssl=1

Istanbul (Caasimada Online) – Magaalada ugu weyn ee Kurdiyiinta ku badan yihiin ee Koonfur Bari Turkiga waxaa ka dhacay dareen isku dhafan oo murugo iyo farxad leh, iyadoo dadweynuhu sacab tumayeen, halka kuwo kale ay ilmaynayeen.

Taageerayaashu waxay ka falcelinayeen baaq uu jeediyay hoggaamiyaha muddada xabsiga ku jiray ee PKK, Abdullah Ocalan, kaas oo ugu yeeray kooxdiisa in ay is kala dirto, dagaalyahanadiisuna ay hubka dhigaan.

Baaqa taariikhiga ah ee Ocalan waxaa lagu akhriyey shir jaraa’id oo ka dhacay Istanbul, iyadoo codkiisa si toos ah looga sii daayay makarafoonno waaweyn oo lagu xidhay magaalooyinka Koonfur Bari Turkiga, halkaas oo tobannaan sano oo colaado hubeysan ah ay waxyeello ballaaran ka geysteen.

“Dhammaan kooxaha waa in ay hubka dhigaan, PKK-na waa in ay is kala dirtaa,” ayuu yiri Ocalan, iyadoo hadalkiisu uu ka soo baxay xabsigiisa jasiiradda Imrali, halkaas oo uu tan iyo 1999-kii ku xirnaa si keli-nimo ah.

Baaqa ayaa yimid afar bilood kadib markii dowladda Ankara ay muujisay fursad nabadeed oo la siinayo hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK), oo hoggaaminayey kacdoon hubeysan oo Turkiga ka dhan ah muddo tobannaan sano ah, dagaalkaas oo galaafay in ka badan 40,000 oo naf.

“Waxaan jeedinayaa baaq la xiriira in hubka la dhigo, waxaana garwaaqsanahay masuuliyadda taariikhiga ah ee arrintan,” ayuu yiri, iyadoo hadalladiisa ay akhriyeen xildhibaanno ka tirsan xisbiga DEM ee u ololeeya xuquuqda Kurdiyiinta, kuwaas oo Khamiista maanta ah kula kulmay xabsiga.

Fal-celinta shacabka

“Maanta waa maalin barakeysan,” ayay tiri Emine Atac oo 45 jir ah, kuna hadlaysay luuqadda Kurdishka, xilli ay ku sugneyd magaalada Diyarbakir oo ay isugu soo baxeen 3,000 oo qof si ay u dhageystaan hadalka Ocalan. Qaarkood ayaa farxay halka kuwo kale ay ilmeynayeen.

“Aad baan u faraxsanahay. Waxaan rabnaa nabad iyo xorriyad,” ayay tiri Atac.

Dhinaca kale, Ferha Akbuyuk, oo 65 jir ah, ayaa bogaadisay hadalka Ocalan, iyadoo ku tilmaantay mid dhiirrigelinaya “nabad iyo walaaltinimo” dhex mara Turkiga iyo Kurdiyiinta.

“Wuxuu ahaa farriin bini’aadannimo, oo ku saabsan xuquuqda, sharciga, caddaaladda iyo sinnaanta,” ayay tiri, iyadoo muuqatay mid rajo leh.

Si kastaba ha ahaatee, Sukru Erdogan, oo 52 jir ah, ayaa dareen ka duwan ka muujiyay farriinta, isagoo sheegay in aysan wax badan u qabin Kurdiyiinta.

“Ma aysan xusin wax la xiriira federaal ama xuquuqda dhaqanka. Waa niyad jab,” ayuu yiri isagoo gacmaha kor u taagaya.

Isbeddel taariikhi u ah colaadda

Baaqa Ocalan waxaa si diirran u soo dhaweeyay madaxweynaha Kurdistaan-ta Ciraaq, Nechirvan Barzani, kaas oo ku booriyay PKK in ay u hoggaansanto farriinta hoggaamiyahooda, wuxuuna ku ballan qaaday “in uu si buuxda u taageerayo geeddi-socodka nabadda.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa sidoo kale soo dhoweysay hadalka Ocalan, iyagoo ku tilmaamay “fursad taariikhi ah” oo lagu soo afjari karo colaadda muddada dheer socotay.

Khabiirada ayaa ku tilmaamay arrintan guul weyn oo diblomaasiyadeed.

“Baaqa Ocalan ee ah in PKK hubka dhigto oo is kala dirto waa isbeddel taariikhi ah. Kaliya Turkiga ma ahan, oo muddo dheer la dagaallamayay kooxdaan, balse waa isbeddel saameynaya gobolka oo dhan,” ayuu yiri Hamish Kinnear, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Verisk Maplecroft.

Su’aasha ugu weyn ayaa ah sida uu baaqa Ocalan uga hirgeli karo dagaalyahanada PKK, kuwaas oo inta badan hoggaankooda militari uu fadhiyo buuraleyda Waqooyiga Ciraaq.

Taariikh-yahan Faransiis ah oo lagu magacaabo Boris James, kuna takhasusay arrimaha Kurdiyiinta, ayaa sheegay in jawaabaha ka imanaya PKK ay noqon karaan kuwo aan toos u muuqan.

“Hoggaanka militari ee PKK wuxuu si rasmi ah u aqbali karaa baaqan, balse macnaheedu ma ahan in uu saameyn toos ah ku yeelanayo dagaalyahanada ku sugan goobaha dagaalka,” ayuu u sheegay AFP.

Qodobka si gaar ah loogu walaacsan yahay ayaa ah mustaqbalka dagaalyahanada PKK ee ku sugan Waqooyiga Suuriya, kuwaas oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Suuriya (SDF) ee uu Mareykanku taageero.

Ciidankaan ayaa cadaadis kala kulmaya dowladda Dimishiq oo rabta in la hubka dhigo, halka ay dagaal kula jiraan maleeshiyaad ay Turkigu taageeraan.

“Waxa ugu muhiimsan ayaa ah sida ay PKK-da Turkiga ugu hoggaansanto baaqa Ocalan,” ayuu yiri Kinnear.

“Haddii inta badan xubnaha PKK ee Turkiga ay u hoggaansamaan baaqan, waxaa la filan karaa in dagaalyahanada PKK ee Ciraaq iyo kooxaha xiriirka la leh ee Suuriya ay iyaguna raacaan,” ayuu raaciyay.

Jawaabta taxaddarka leh ee Ankara

Dowladda Turkiga weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin baaqa Ocalan, balse Efkan Ala, oo ka tirsan xisbiga AKP ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa muujiyay rajo taxaddar leh.

“Haddii ururkan argagixisada ah uu baaqan dhegeysto, hubkana dhigo, isna kala diro, Turkiga wuxuu ka xoroobi doonaa silsiladahaas,” ayuu yiri, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Tan iyo markii la xiray Ocalan sanadkii 1999, waxaa jiray dadaallo kala duwan oo lagu soo afjarayo dagaalladii qarxay 1984-tii, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 40,000 oo qof.

Wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadallada nabadeed ayaa burburay 2015-kii, waxaana dib u qarxay dagaalka.

Dowladda Turkiga waxay muddo dheer cadaadis saartay mucaaradka, iyadoo xirtay boqolaal siyaasiyiin, u dhaqdhaqaaqayaal iyo saxafiyiin, waxayna xilka ka qaaday 10 duq magaalo oo dhowaan la doortay, kuwaas oo dhammaantood lagu eedeeyay xiriir argagixiso.

Inkasta oo ay jiraan xarigyo ballaaran, haddana dad badan ayaa rajaynaya in baaqa Ocalan uu keeni karo tanaasul ballaaran oo Kurdiyiinta loogu fidiyo xuquuq siyaasadeed iyo bulsho, iyadoo Kurdiyiintu ay ka kooban yihiin 20% shacabka Turkiga oo gaaraya 85 milyan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this