Deeq A. Posted Thursday at 03:33 PM Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dib ugu laabtay dalkiisa, kadib markii uu wada-hadallo kula yeeshay Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Booqashada Abiy Axmed ayaa ku soo beegantay xilli labada dal ay isku dayayaan inay soo afjaraan khilaafkii January 2024-kii ka dhashay heshiiskii muranka badan dhaliyay ee badda ee ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland. Kadib khilaaf diblumaasiyadeed oo aad u kululaa oo ku saabsanaa arrintan, Itoobiya iyo Soomaaliya waxay bishii December 11-keedii heshiis diblumaasiyadeed, oo loogu magac daray “Baaqii Ankara,” ku gaareen magaalada Ankara. Bishii Janaayo ee sanadkan, bil kadib heshiiskii Ankara, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Maxay ka dhigan tahay booqashada Abiy? Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee maanta uu ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka dhigan in horumar wanaagsan laga gaaray wada-hadalladii Ankara, islamarkaana ay labada dowladood muujinayaan “dhab ahaanshaha” xoojinta xiriirka ka dhaxeeya iyo iskaashiga labada dal. Tallaabadan ayaa sidoo kale direysa farriin ah in Itoobiya ay ixtiraameyso midnimada iyo qaranimada Soomaaliya oo hore ugu xad-gudubtay, sida uu sheegay Cabdiqafaar Cabdi Wardheere, oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya kuna sugan dalka Mareykanka. Cabdiqafaar oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya, sidaas darteedna ay daneynayso in la dhameystiro wada-hadallada labada dhinac dib ugu soo celiyeen xiriirkoodii. “Itoobiya waa ka laabatay heshiiskii inkasta oo aysan afka ku ballaadhin, haddana waa muuqataa. Itoobiya waxay garowsatay in is-afgaradkii Somaliland uu meel dheer gaareyn, taas ayuuna muujinayaa Abiy,” ayuu yiri Cabdiqafaar. Waxa uu intaas kusii daraya “Imaatinkiisuna (Abiy) wuxuu qeyb ka yahay kalsooni dhiska labada dowladood, waxayna sida runta ee wax u dhacayaana waxay geli doonta farsamo iyo guddiyo labada dal ah.” Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo maanta kulan muhiim ah ku yeeshay Villa Somalia, ayaa bogaadiyey billowga wada-hadallada farsamo ee ka socda Ankara. Labada hoggaan ayaa sheegay in wada-hadalladani ay muujinayaan sida ay uga go’an tahay labada dal in ay yeeshaan wada-hadal wax-ku-ool ah iyo iskaashi miro-dhal ah. Sidoo kalena waxay adkeeyeen mudnaanta uu leeyahay xiriirka labo-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Share this post Link to post Share on other sites