Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed oo kasoo degay garoonka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho kadib booqasho la naawilayay inta muddo ah.

Booqashada ayaa dabo socda heshiis ay maalmo kahor Muqdisho ku kala saxiixdeen taliyeyaasha ciidamada iyo hay’adda sirdoonka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Heshiiskaas ayaa yimid kadib is-afgarad uu garwadeyn ka ahaa madaxweynaha dowladda Turkiga oo ay Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ku kala saxiixdeen Ankara, iyo booqashooyin xigay oo madaxweynaha Soomaaliya ku tagay Addis Ababa.

Heshiiska Ankara ayaa lagu dhameeyay khilaaf Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhashay heshiis kale oo ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay ku heleysay saldhig ciidan iyo marin toos ah oo badda ah, iyada oo ay Itoobiya noqon lahayd dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland.

Halkan ka akhri warar kale oo la xiriira khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay is-afgaradka Addis iyo Hargeysa

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this