Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia oo Shir ku saabsan iskaashiga labada dal ku yeeshay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1740659810628.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Shir kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia,  Abiy Axmed oo safar shaqo ku yimid magaalada Muqdisho.

Shirka labada Hoggaamiye ayaa sida Vill Somalia sheegtay waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, iyagoo adkeeyay xiriirka taariikhiga ah iyo derisnimada soo jireenka ah ee labada shacab oo ay aasaas u tahay is-ixtiraam qarannimo iyo ka dheeraanta faro-gelinta arrimaha gudaha dal kasta.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa wadajir u soo dhaweeyay is-afgaradka ay gaareen “Taliyeyaasha Ciidamada Soomaaliya (SNA) iyo Ciidamada Difaaca Ethiopia (ENDF), kaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka, waxa ayna bogaadiyeen billowga wadahadallada farsamo ee ka socda Ankara oo muujiyey sida ay labada dal uga go’an tahay wada-hadal wax-ku-ool ah iyo iskaashi mirodhal ah.”

“Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliya soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey mudnaanta uu dalkiisu siinayo xiriirka labo-geesoodka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, si ka tarjumaysa danaha labada dal iyo xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku bogaadiyey Ra’iisul Abiy Axmed booqashada uu ku yimid dalka ,islamarkaana uu ku celiyey aragtida soo jireenka ah ee ay ku dhisan tahay diblumaasiyadda Soomaaliya ee ilaalinta daris wanaagga, is-ixtiraamka qarannimo iyo in aan cidna laga aqbalayn ku xadgudubka midnimada iyo wadajirka shacabka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia oo Shir ku saabsan iskaashiga labada dal ku yeeshay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this