Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabsida mooshinka xil ka-qaadista R/W Xamza oo sii korortay – Maxaa cusub?

Recommended Posts

Deeq A.   
317482668_585461970248091_69212021159206

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ku guuldarreystay in uu yeesho fadhi rasmi ah sababo la xiriira kooram la’aan, taasoo dib u dhigtay howlaha sharci-dejinta ee muhiimka ah, isla markaana sii xoojisay tuhunka la xiriira mooshin kalsooni kala noqosho ah oo laga yaabo in laga keeno xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kaliya 137 xildhibaan ayaa soo xaadiray fadhiga, iyadoo labo xubnood ay ka maqnaayeen tiradii sharciga aheyd si kulanka uu u qabsoomo.

Guddoomiyaha baarlamanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si kulul u dhaliilay maqnaanshaha xildhibaannada, gaar ahaan kuwa dalka ka maqan, wuxuuna uga digay in haddii ay sii wadaan maqnaanshahooda, magacyadooda si rasmi ah loo shaacin doono.

“Fadhiga Baarlamaanka waa waajib qaran, waana nasiib darro in uu fashilmo sababo la xiriira maqnaansho xildhibaano,” ayuu yiri Guddoomiye Madoobe.

“Xildhibaanadu waa in ay si dhab ah u qaataan mas’uuliyadda ay bulshada u hayaan. Maanta, kuwa maqnaa waxay si toos ah u hakad geliyeen shaqadii Baarlamaanka. Haddii tani sii socoto, waxaan bilaabi doonaa in aan magacyadooda shaaciyo.”

Xiisadda siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Fashilka fadhiga baarlamanka ayaa yimid xilli xiisado siyaasadeed ay sii xoogeysanayaan, iyadoo la sheegay in xildhibaannada mucaaradka ay qorsheynayeen in ay soo bandhigaan mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ka hor inta aan la baajin kulanka.

Inkasta oo mooshinka si rasmi ah loo horgeynin, hadana suurtagalnimadiisa ayaa sii hurisay walaaca laga qabo jahwareerka siyaasadeed ee dalka.

Kooram la’aanta ayaa muujisay caqabadaha ballaaran ee ka taagan nidaamka sharci-dejinta Soomaaliya, kaasoo la daalaa dhacaya maqnaansho baahsan iyo is qabqabsi siyaasadeed.

Bishii hore, guddoonka labada gole ee baarlamanka ayaa ugu baaqay xildhibaannada in ay kusoo laabtaan Muqdisho ka hor furitaanka kalfadhiga lixaad ee baarlamanka 22-ka Febraayo, iyagoo ka digay in maqnaansho dheeri ah ay hakad gelin karto shaqooyinka sharci-dejinta ee muhiimka ah.

Baaqan ayaa yimid xilli mucaaradka ay dareemayeen cadaadis isa soo taraya, waxaana qaar kamid ah xildhibaannada mucaaradka ay ku hanjabeen in ay fadhiyo gaar ah yeelan doonaan haddii baarlamanka la hakiyo.

Xildhibaannada mucaaradka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu faragelin ku hayo howlaha sharci-dejinta, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Kalfadhiga lixaad ee baarlamanka oo la furay

Kalfadhiga lixaad ee baarlamanka, oo si rasmi ah uu u furay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 22-ka Febraayo, waxaa diiradda lagu saari lahaa arrimaha amniga, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sidii dalka loogu gudbin lahaa nidaamka doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku ammaanay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, dib u dhiska Ciidanka Cirka iyo Badda ee Soomaaliya, iyo qorshaha dhismaha xarunta ugu horreysa ee gantaallaha satellite-ka laga bilaabo dalka, taasoo uu ku tilmaamay horumar taariikhi ah oo u horseedi kara Soomaaliya guulo waaweyn.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jira baarlamanka ayaa caqabad ku noqday ajendayaasha sharci-dejinta, iyadoo xiisadda u dhaxeysa xildhibaanada mucaaradka iyo dowladda ay sii xumaatay.

Arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka, maalgelinta amniga, iyo wax-ka-bedelka dastuurka ayaa wali ah mowduucyo la isku haysto, kuwaasoo sii wiiqaya shaqada Baarlamaanka.

Iyadoo caqabadaha kourum la’aanta iyo khilaafaadka gudaha ay sii kordhayaan, waxaa la is weydiinayaa siduu baarlamanku u gudan karo waajibaadkiisa, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo in fowdada siyaasadeed ay horseedi karto xasillooni darro xagga dowladnimada ah bilaha soo socda.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this