Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo gudaha u gashay BALCAD iyo wararkii ugu dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Sawirka-Shabaabka-weeraray-Afgooye.jpeg?

Balcad (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay saaka aroortii hore Al-Shabaab ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu xigay dagaal toos ah.

Weerarka ayaa bilowday abaare 5:00 subaxnimo, waxaana maleeshiyada Al-Shabaab ay beegsadeen fariisimaha ciidamada, kadibna waxaa sidaas ku qarxay dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda weerarka qaaday ay u suuragashay inay gudaha u galeen qaybo kamid ah degmada, waxaana lasoo wariyay inay tageen saldhigga Balcad, ayna sii daayeen tiro maxaabiis ah oo ku xirnaa halkaasi.

Waxyar kadib waxaa sidoo kale degmada gaaray ciidamo gurmad ah, iyadoo isla markiiba magaalada laga saaray Shabaabkii soo weeraray, waxaana hadda degmada si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay cashir u dhigeen xubnaha Al-Shabaab ee saaka weeraray degmada Balcad.

“Ciidamada ayaa saakay cashir lama ilaawaan ah u dhigay Maleeshiyaadka Khawaarijta oo saakay salaadii subax soo weeraray fariisimmo ay ciidamadu ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Balcad oo saaka gashay xaalad adag.

Shabeelaha Dhex waxaa haatan xoogga soo saaray Khawaarijta iyada oo labadii todobaad ee ugu dambeysay weeraro culus ka fulisay deegaanno ka tirsan gobolkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this