Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoobiyeyaal lagu garaacay agagaarka garoonka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Garoonka-Diyaaradaha-Aadan-Cadde-scaled.

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo goordhow lagu garaacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xilli haatan la sugayo inuu kasoo dago ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo maanta wada-hadallo la yeelan doono madaxweynaha Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha qaar ayaa la sheegay inay ku dhaceen nawaaxiga xerada Xalane oo uu ku dhex-yaallo garoonka, waxaana lasoo wariyay inuu jiro khasaare u badan dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in dad shacab ah oo aan waxba galabsan ay guryahooda ugu tageen hoobiyeyaasha, kuwaas oo haatan xaaladdooda lagula tacaalayo isbitaallada.

Dhanka kale, waxaa garoonka laga shiday Gambaleelka digniinta ah ee la yeeriyo marka ay halis jirto, taas oo keentay in xaalad laga dareemo halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta wafdiga ra’iisul wasaare Abiy Axmed, iyada oo si weyn loo adkeeyay ammaanka, waxaana dowladda Soomaaliya ay heegan sare gelisay ciidamada ammaanka oo lagu soo daadiyay inta badan waddooyinka caasimada.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa inta badan xiray waddooyinka muhiimka ah, iyada oo la joojiyay isku socodka gaadiidka, xittaa meelaha qaar ayaa loo diidayaa dadka lugeynaya.

Si kastab, marar badan Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this