Sign in to follow this  
Deeq A.

R/wasaare Abiy oo kasoo dagay magaalada Muqdisho + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
480629400_1088192583351880_9178385331717

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka ugu tegay Abiy iyo wafdigiisa, halkaas oo uu sidoo kale salaan sharaf uga qaatay cutubyo gaar ah oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka safarka Abiy Axmed uu yahay dhammeystirka heshiiska labada dal iyo sidii bog cusub loogu furi lahaa xiriiirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa.

“Safarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah isku soo dhowaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka Iskaashiga, is-qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbaalo, kadib hal sanno oo xiriirka labada dal ay caqabado hareeyeen” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa wada-hadallo gaar ah xarunta madaxtooyada kulan yeelan doono madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka wada-hadli doonaan arrimaha dhex yaalla labada dal oo ay ugu muhiimsan tahay marin-biyoodka ay dooneyso Itoobiya.

Imaashaha ra’iisul wasaare Abiy ee Muqdisho ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan laba jeer uu madaxweyne Xasan Sheekh uu tegay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay labada mas’uul ku yeesheen wada-hadallo lagu dhameystiray heshiiskii Ankara.

474857742_1088192863351852_6887490966267 476343420_1088192836685188_3471179992284 476651031_1088192496685222_1702103901016 480069913_1088192663351872_5321092718387 480195713_1088192706685201_4171680561741 480629400_1088192583351880_9178385331717 480864808_1088192806685191_5469410352963 480971547_1088192486685223_6679108336707 481023952_1088192623351876_3695457592638 481078228_1088192520018553_4893785125289 481248917_1088192843351854_3981966570600 482131813_1088192776685194_1053337961456

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this