Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada difaaca Puntland oo firxadkii Daacish ka saaray Ceelka Dharin ee buuraha Calmiskaad

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1740641685180.jpg?resize=720%2C54

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo saaka hawlgal qorshaysan ka sameeyay buuraha Calmiskaad ayaa gacanta ku dhigay Ceelka Dharinta oo kamid ah goobaha ay u soo baxsadeen firxadkii dagaallamayaasha ISIS ee ku soo jabay togga Jeceel.

Af-hayeenka Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland Jeneraal Maxamuud Faadhigo oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa xaqiijiyay in saaka Ciidamada dowladdu la wareegeen Ceelka Dharinta oo kamid ah goobihii ay u soo carareen firxadka mileeshiyaadka ISIS ee ku soo jabay dagaalkii lagaga saaray togga Jeceel.

“Ciidamada Daraawiishta Puntland oo si qorshaysan u soo dhaqaaqay ayaa gacanta ku dhigay Ceelka Dharin oo saacadihii u danbeeyay lagu sheegay firxadka Argagixisada oo baxsad ah kuwaasi oo isku dayay in ay gabbaad ka dhigtaaan goobtaasi ceelka leh balse laga hortagay” ayuu yiri Af-hayeenka Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland Jeneraal Maxamuud Faadhigo.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada difaaca Puntland oo firxadkii Daacish ka saaray Ceelka Dharin ee buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this