Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xiddig oo shaaciyey sida ay ku aargudan doonaan kadib dhacdadii garoonka

Recommended Posts

Deeq A.   
Xiddig-Xidig-scaled.jpeg?fit=2560%2C2033

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo ka tirsan Golaha Shacabka, kana soo jeeda Jubbaland, ayaa si adag uga hadlay xildhibaannadii laga soo celiyey garoonka Aadan Cadde, isagoo shaaciyey cawaaqibka ay ka dhaxli doonto xukuumadda uu hoggaamiyo Xamsa.

Xiddig ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay in safarkii laga hor istaagay xildhibaannadii u socday Kismaayo loo ciqaabo, xilkana looga qaado raggii ka dambeeyey, isagoo u hanjabay xukuumadda.

“Dad badan oo masuuliyado kala duwan haya ayaa xilkooda ku waayi doona wixii shalay ka dhacay garoonka. In xildhibaan la hor istaago waxay u dhigantaa in Baarlamaanka dhan la hor istaagay,” ayuu yiri.

Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig ayaa sheegay in go’aankii shalay safarka looga baajiyey xildhibaannada uu noqon doono kii ugu dambeeyey ee xildhibaan looga hor istaago safarkiisa.

“Xayiraadda saaran Jubbaland waxaan ku soo afjari doonaa mooshinkan, waana uga mahadcelineynaa guddoomiyaha in ajendaha uu noogu daray mooshinkan. Is-hortaagii shalay wuxuu noqon doonaa kii ugu dambeeyey ee qof reer Jubbaland ah lagu dhaco,” ayuu yiri Xiddig.

Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig ayaa sidoo kale ku goodiyey in kulamada Baarlamaanka aan looga hadli doonin wax kale ilaa kiiskan laga xaliyo oo cid mas’uuliyadda dusha laga saaro.

“Waxaan la tacaalaynaa nidaam qowleysato ah oo fashilmay, kuwaas oo doonaya inay dadka ku ciqaabaan aragtidooda yar ee doorasho qof iyo cod ah, iyagoo dadkii ay codka ka doonayeen haddana ciqaabaya,” ayuu yiri.

Cabdirashiid Xiddig ayaa si toos ah u sheegay in qorshaha raggani – oo uu ula jeedo xukuumadda – aysan u shaqeyn doonin doonistooda qabashada doorasho qof iyo cod ah. “Waan fashilin doonaa kooxdaan,” ayuu yiri.

Hadalkaan Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig wuxuu ka sheegay shir jaraa’id oo afaafka hore ee xarunta Golaha Shacabka uu ku qabtay, kadib markii uu maanta kooram la’aan u baaqday kulankii Golaha oo mooshin la geeyey.

Mooshinka ayay xildhibaannadan ku dalbadeen faahfaahin ku saabsan sababta labo xildhibaan looga soo celiyey garoonka, iyadoo loo diiday safar ay doonayeen inay ku tagaan Kismaayo, oo cunaqabatayn ay saartay dowladda federaalka.

Hoos ka daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this