Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi Wabiir oo isku dhiibay Shabaab-kii uu ku laayey Sh/Dhexe, caawana u xiran DF

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdi-Wabiir.png?fit=708%2C718&ssl=1

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii Macawiisleyda deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee muuqaalkiisu baraha bulshada qabsaday isagoo sharaxa sidii Khawaarijta ay isaga difaaceen, uguna laayeen deegaanka, iyagoo saaran Masjidka ayaa isku dhiibay kooxda.!

Ninkaan waxaa lagu magacaabaa Cabdi Maxamuud Suubiye (Cabdi Wabiir) wuxuu ahaa oday geesi ah oo laga yaqaan deegaankaas, waxaa laga dhigay hoggaamiyaha macawiisleyda deegaanka Cali Axmed, waxaana halkaas uga warqabtay dowladda oo lacag iyo rasaas-ba sii jirtay.

Khawaarijta ayaa maanta baahisay muuqaal laga duubay Cabdi Wabiir oo gacanta ku haysta marada madow ee calanka u ah argagixisada, isagoo sheegaya in Al-Shabaab uu isku dhiibay, uguna baaqaya saaxiibadiis inay argagixisada isku dhiibaan, wuxuu noqday muuqaal aad loola yaabay.

Rag kale oo ka mid ah macawiisleydii uu Cabdi Wabiir hoggaaminayey ayaa laga dhex arkay muuqaalka, balse Cabdi Maxamuud Suubiye (Cabdi Wabiir) hadda wuxuu ku jiraa gacanta dowladda, wuxuuna ku xiran yahay Godka Jilicow ee Muqdisho.

Hadaba sidee Cabdi Wabiir iyo kooxdiisa ay ugu gacan galeen Khawaarijta, kadibna ugu soo noqdeen gacanta dowladda oo ugu dambeyn Muqdisho ku soo xirtay?

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ninkaan wiilkiisa ayaa ku jira horjoogayaasha Khawaarijta, maalin ka hor howlgalkii Al-Kowsar iyo Cali Axmed ee lagu laayey Al-Shabaab, inta uusan bilaabay waaberigii hore ayuu aadan sahan ay duurka uga raadsanayaan kooxda, isagoo wata rag kale oo tiradooda lagu sheegay 5 ilaa 6.

Balse waxay toos ugu tageen Al-Shabaab oo jooga dhulka howdka ah ee gobollada Galgaduud iyo Sh/Dhexe ay ku kala rogmadaan, halkaas ayaa looga duubay muuqaalka, isla maalinkaas waxaa dhacay weerarkii kooxda lagu laayey ee Al-Kowsar ay ku soo qaadeen, isagana waxaa loo maleynayey in la qabtay ama la dilay, laakiin hadda waxaa cadaatay in toos uu isugu dhiibay kooxda.

Markii laga duubay muuqaalka, waxaa laga qaaday qoriyihii isaga iyo saaxiibadiis, kadibna waxaa loo diray raggii kale ee macawiisleyda kala tirsanaa, wicitaano badan kadib waxay ku guul dareysteen in macawiisleydii kale ay ku qanciyaan qorshaha ku biirista Khawaarijta, waxaana sidaas ku fashilmay oo dadka deegaanadaas ogaadeen in Cabdi Wabiir iyo ragga la maqan ay Shabaab jiraan.

Intaas kadib, wiil uu dhalay Cabdi Wabiir oo horjoogayaasha Shabaab ku jira ayaa odaga la soo hadlay, wuxuuna u sheegay in la siray oo waxaba aysan ka fuli doonin balan-qaadyada loo sameeyey, raggii uu Ceel Cali Axmed ku laayana aan loo cafi doonin, markii lagu daneystana la gowrici doono, isagoo kula taliyey in meesha uu isaga tago oo dowladda isku dhiibo.

Cabdi Wabiir oo talo ku xuntahay qorigiisiina uu Shabaab u gacan galay, balantii lagu soo xera-geliyana looga baxay, ayaa mar kale maanta ka soo dhuuntay Khawaarijta, wuxuuna soo galay degmada Aadan-Yabaal isagoo cararaya oo faro-maran, markii la wareystana waxba waa sheegi diiday.

Intii la joogay Aadan Yabaal oo xogta laga raadinaayey ninkaan waxaa soo dhacay muuqaalkii ay Shabaab ka duubeen, waxayna dowladdu qaadatay go’aan deg deg ah, waxaana lagu soo xiray Godka Jilicow ee Muqdisho, si baaritaan ugu bilowdo.

Kiiskaan oo kale wuxuu dhowr bilood ka hor ka dhacay Xarardheere, halkaas oo nin oday ah oo qori Seban ah wata lagu soo bandhigay, kaas oo ka tirsanaa macawiisleyda, una muuqday nin uu daacad ka yahay dagaalka Khawaarijta, ilaa uu gaaray heer la isku qabsaday reerka uu yahay oo baraha bulshada aad loogu faafiyey.

Maalmo kadib waxaa soo yeertay in odagaas uu u goostay Khawaarijta, weerarro badan oo uu soo hoggaamiyey kadib, isagoo rafaadsan oo juwaano kuwata qaraxyo ayaa lagu qabtay duleedka Xarardheere, waana la xiray.

Labadaan kiis oo isku eg, waxaa laga baran karaa in kooxaha Khawaarijta ah ay xiriirkooda raadiyaan, juhdina ku bixiyaan, soo helidooda ragga halyeeyada ah ee kasoo dhalaala dagaalka, ee dadku buun-buuniyaan, si loo han-jebiyo bulshadii ku faraxday kartidiisa, waana fikrado ay adeegsato argagixisadu oo u dhamaanaya cabsi gelin, natiijo badana aan laheyn.

Hoos ka eeg sawirrada markii uu Cabdi Wabiir la dagaalamay Al-Shabaab, markii uu isku dhiibay iyo maanta oo lasoo qabtay.

Cabdi-Wabiir.png?resize=696%2C706&ssl=1

ww.png?resize=622%2C588&ssl=1

480970018_1409202967193418_1684021383467

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this