Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Maxaa maanta dhex-martay Aadan Madoobe iyo xildhibaan Caana-nuug?

Recommended Posts

Deeq A.   
dood.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta wajahay eedeyn toos ah oo uga timid xildhibaano mooshin ka gudbiyey xukuumadda, kaasi oo lagu dalbanayo faahfaahinta waxa sababay go’aankii safarka looga hor istaagay xildhibaano doonayey inay tagaan magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Caana-Nuug oo kamid ah xubnaha mucaaradka ah ayaa guddoomiye Aadan Madoobe si toos ah ugu eedeeyey in isagu uu wax ka ogyahay qorshaha lagu baajiyey kulanka golaha oo Kooram la’aan u baaqday.

Xildhibaan Caana-nuug ayaa guddoomiye Aadan Madoobe toos ugu eedeeyey in Xasan Sheekh uu kala shaqeeyo cuuryaaminta golaha, iyadoo intaas kadib uu buuq iyo sawaxan is qabsaday kulanka.

Guddoomiye Aaadan Madoobe oo ka kululaaday doodda adag ee Xildhibaan Caana-Nuug ayaa si caro leh uga dalbaday xildhibaan in uu aamuso isagoo ku xushmeynaya xilka uu hayo ee guddoomiyaha golaha.

“Markii guddoomiyuhu hadlaayo xildhibaanku inuu aamuso ayaa waajib ah, qeylo looma baahna, anigaa hadalka wata, guddoomiyihii goalahaan ahay, maxaad iiga daba-qeylinee walaal? Sharcigu kuuma ogola, anigoo hadlaya ma hadli kartid Xildhibaan,” ayuu sic aro leh u yiri Guddoomiye Sheekh Aaadan Madoobe.

Intaas kadib waxaa iska aamusay xildhibaan Caana-nuug oo toos ula doodayey guddoomiya, waxaana bilowday hadal uu Aadan Madoobe ugu goodiyey xildhibaanada ka maqnaaday kulankii maanta baaqday.

“Walaalayaal waxaan looma dul-qaada karo, Mooshin ayaan hayaa oo lasoo gudbiyey, sidoo kale shaqadii Baarlamaanka ayaan dib u bilaabeynaa, Sabtiga laga bilaabo xildhibaankii maqnaada magaciisa ayaan halkaan ka yeeri doonaa, waxaana marsii doonaa xeer hoosaadka golaha,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha oo farriin culus u diray xildhibaanada ka maqnaada kulamada golaha ayaa yiri, “Walaalayaal waxaad u dhaarateen shaqadaan, waajibaad cad oo dastuuri ah ayaa gudasho inkaga baahan, in mar kale aan Sabtiga Kooram weyno ceyb ayey nagu tahay.”

Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada dalka ka maqan ka dalbaday inay yimaadaan, “maanta warkeygu waa baaq, laakiin kulamada dambe waxaan bilaabi doonaa in la is tiriyo oo magacyadooda la yeeriyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Aadan Madoobe.

Hoos ka daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this