Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xildhibaan Jire oo shaaciyey qorshe culus oo ay ka damacsan yihiin mooshinka

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdirashiid-Jire-Qalinle.webp?fit=720%2

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa maanta sheegay in mooshin ka dhan ah safarkii shalay laga baajiyey ee Kismaayo ay ku tegi lahaayeen ay ka gudbeen xukuumadda.

Banaanka hore ee xarunta golaha shacabka ayuu shirkaan jaraa’id ku qabtay Cabdirashiid Jire oo ay garbihiisa taagnaayeen inta badan xildibaanada mucaaradka ah oo Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo isna hadlay uu kamid yahay.

“Xukuumadda hadda jirta hal-abuur malaha, yaysan marin wadadii Farmaajo uu ku fashilmay ee hal abuur kale oo dalka ay ku maamusho hala timaado, waxaan ka xunahay maanta in Kooramkii ay baajiyeen golaha wasiirrada oo 40 xildhibaan ku kalaa golaha,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xildhibaanadii wasiirrada ahaa lagu amray in kulankii maanta aysan imaan, si kooramku u yaraado oo kulanku u baaqdo.

“Kulanka maanta hadii uu furmi lahaa waxaa la is weydiin lahaa wixii shalay dhacay, sidii ay wax u dhaceen ayaa laga doodi lahaa, laakiin cabsi jirta darteed ayaa loo baajiyey kulankii, war la imaada hal abuur cusub oo dadka aad ku caburisaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Jire.

Xildhibaanka ayaa Sabtiga ay mar kale golaha horgey doonaan mooshinka ay wadaan, “Waxaan canbaareyneynaa cunaqabateynta Jubbaland muddo 6-bilood ah, sabtiga waxaan rajeynayaa in baarlamaanku ka soo saaro qaraar cunaqabateynta looga qaadayo Jubbaland,” ayuu yiri Cabdirashiid Jire.

Xildhibaanka ayaa xildhibaanada kale ugu baaqay in safarkii shalay laga hor istaagay uu lamid yahay, iyadoo garoonka laga soo celiyey 275-ta xildhibaan oo goluhu ka kooban yahay, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Hoos ka daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this