Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo lagu wado in uu maalinta berri ah booqasho ku yimaado Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1740606069703.jpg?resize=720%2C40

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maalinta berri ah booqasho rasmi ah ku imaanaya magaalada  Muqdisho, taasi oo jawaab u ah safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh uu horraantii sannadkan 2025 ku tegaley Addis Ababa, kaddib Baaqii Ankara oo dowladda Turkiga garwadeenka aheyd, laguna xaliyay khilaafkii diblomaasiyadeed ee labada dal.

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa berri ka soo dagaya garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana  si weyn loo adkeeyay Ammaanka Muqdisho, qeybo ka mid ah duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibadda la hakiyay, inta aan ka aheyn duulimaadyada Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines.

Sawirada Abiy Ahmed ayaa lagu dhejiyay wadada dheer ee garoonka Diyaaradaha illaa Madaxtooyada, waa booqashadii labaad rasmi ah oo Ra’iisul Wasaare Abiy ku imaan doono Muqdisho, kaddib safarkiisii u horreeyay sanadkii 2019.

Kaddib safarka Abiy ayaa la filayaa inuu todobaadyo kaddib uu Soomaaliya iyo Ethiopia booqasho Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo isku mari doona Muqdisho iyo Addis Ababa.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo lagu wado in uu maalinta berri ah booqasho ku yimaado Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this