Cowke Posted July 21, 2010 Garoowe:(Allpuntland)-Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Xaaladihii ugu danbeeyey ee Puntland ay kusugnayd gaar ahaan boqolaalka Qof ee ay Xukuumadiisu 48-saac ee lasoo dhaafay ka qabqabtay magaalooyinka Garoowe & Boosaaso oo dib loogu celiyey deegaanada ay kasoo jeedaan ee Koonfurta Soomaaliya. Madaxweyne Faroole wuxuu difaacay Tilaabooyinka ay Xukuumadiisu dadkan dib ugu celisay,waxaana uu sheegey in dadka Barakacayaasha ah intoo badan oo aanan shaqooyin ka hayn deegaanada Puntland markasta si layaableh u taagan Dariiqyada Magaalada Boosaaso ay Xukuumadu go'aansatay inay Deegaanadooda ku celiso maadaama loo adeegsan karo Dhibaatooyinka & Khalkhalinta Amnidaro ee Puntland imika lagu hayo. Mr,Faroole wuxuu sheegey in Xukuumadiisu ay Cadaymo dhab ah u hayso in danbiyada ugu badan ee Argagaxisanimu ay geystaan dadka soo barakacay,waxaana uu Sheegey in Qaarkood lagu qabtay iyaga oo Falalkaas gacanta kula jira islamarkaasna ay Xabsiyada Waaweyn ee Puntland ka buuxaan boqolaal dad ah oo kasoo jeeda Koonfurta Dalka Soomaaliya oo uu sheegey inay Maxkamadaha Puntland Xukumeen. Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Wuxuu sheegey in dadka sida saa'idka ah ugu soo badanaya Deegaanadiisa intooda badani ay leeyihiin labo Ujeedo oo kale duwan kuwaas oo uu Mida koowaad kusheegay dad Tahriib usocda,halka kuwa kalena uu ku tilmaamay kuwo ay Argagaixisooyinka Aduunka soo adeegsadeen islamarkaasna u socda inay Amaanka wax u dhimaan,waxaana uu sheegey in sidaas owgeed ay dadka dib ugu celinayaan deegaanadii ay kasoo jeedaan maadaama intabadan Gobolada ay kasoo jeedaan ay Nabad & Xasilooni kajirto islamarkaasna Amaankooda la'isku halaynkaro. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites