Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Al-Shabaab oo ka faa’iideystay hadalkii Jeesow – Sidee bay u isticmaaleen?

Recommended Posts

Deeq A.   
Jeesow.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si weyn uga faa’iideysatay hadal dhowaan kasoo yeeray xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka, kadib markii uu sheegay in kala bar dalka ay qabsadeen Al-Shabaab, xilli uu ka hadlayay dagaalladii ay kusoo qaadeen HirShabelle.

“Dalkii daraad kala bar oo bar ay Shabaab ayaa soo qabsadeen, sidaad arkeyseen, meelaha qaarna illaa iyo hadda way joogaan,” ayuu horay u yiri Xildhibaan Jeesow.

Fursad wayn ayay kooxdu ka dhex heshay hadalka xildhibaanka, waxayna codkiisa u adeegsatay muuqaal dacaayad ah oo ay ku faafisay baraha bulshada.

Xildhibaan Jeesow oo mar kale maanta soo hadlay ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay arrinta dhacday, isaga oo tilmaamay in Shabaab ay  si khaldan uga faa’iideysteen hadalkiisa.

Jeesow ayaa caddeeyay inuu kasoo horjeedo argagixisada iyo fikirkeeda, isla markaana uu la dagaalami doono, si looga xoreeyo dalka oo dhan.

“Waxaa nasiib darro ah nimanka nabad-diidka ah ee Khawaarijta ah ee Ilaahey ka furtay dalkeenana kusoo duulay waa ka xunahay aad-baana uga xumahay waxaan arkaayay maalin dhaweyto jaanis aan tacsiyo dadka u tacsiyeynaayay oo ay ka faa’iideysteen oo kanaal ay iyaa leeyihiin ay soo geliyeen ayaan arkaayay,” ayuu yiri Jeesow.

Waxaa kale oo uu intaas raaciyay “Aniga mar kasta waan kasoo horjeedaa nimanka Shabaabka ah ee Khawaarijta waxaan leeyahay waa idin la dagaalameynaa ee meesha ka imaateen u noqda”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan uu sii xoogeystay gulufka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo shacabka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this