Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo burburisay kolonyo gaadiid ah oo Al-Shabaab ay kasoo buuxisay qaraxyo

Recommended Posts

Deeq A.   
NISA.jpeg?fit=1920%2C1080&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in howl-gal duqeyn ah lagu burburiyay kolonyo gaadiid ah oo kooxda Al-Shabaab kusoo rartay qaraxyo.

Howl-galkan oo ciidanka NISA iska kaashadeen saaxiibada caalamka ayaa waxa uu ka dhacay deegaannada Sigato iyo Lebi Aw-Xasan oo u dhexeeya degmooyinka Ruun-nirgood iyo Al-kowthar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howl-galka ayaa waxaa kooxda looga gubay dhamaan kolonyadii gaadiidka ahaa ee ay kasoo buuxiyeen qaraxyada, iyadoo sidoo kale halkaasi lagu laayay dhammaan dagaal-yahaannadii la socotay baabuurta.

NISA ayaa sheegtay in mid ka mid ah gaadiidka qarxay ee howl-galkaan lagu burburiyay oo ahaa nooca loo yaqaanno Layla Calaawi ay kooxda damacsaneyd inay ku weerarto Masaajidka degmada Al-kowther.

“Horey ayey Khawaarijtu u beegsan jirtay goobaha cibaadada gaar ahaan Masaajidda, Ceel cali Axmed, Daaru-nima, Buula-burte, Baado iyo Qaaayib,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska NISA.

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xaqiijisay sida ay mar kasta uga go’an tahay in ay meel kasta ku beegsato cadawga argagixisada ah ee ku hawlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

NISA ayaa maalmihii u dambeysay kordhisay howl-gallada ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo gacan ka helaysa saaxiibada caalamka, oo Soomaaliya ka taageera dhanka cirka.

Howl-galladii u dambeeyay ee NISA fulisay ayaa waxaa lagu dilay 48 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo dagaal-yahaanno ka tirsan Shabaab ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

NISA.png?resize=430%2C633&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this