Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo maxkamadeynaysa shabakad loo haysto dhimashada ku dhowaad 30 ruux

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxkamadda-Gobolka-Banaadir.jpeg?fit=204

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad loo heysto shabakad ka koobna 7 qof oo ku eedeysan inay ku lug lahaayeen dambiyo la xiriira tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka.

Raggan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inay kamid ahaayeen dadkii ka dambeeyay tahriibinta dhallinyaro ku geeriyootay Badweynta Hindiya dhammaadkii sannadkii hore 2024, tiradooduna gaareysay 28 ruux, kaddib markii ay la degtay doontii ay saarnaayeen.

Maxkamadda ayaa diiday is-hortaagga qareenada difaacaya labo ka mid ah eedeysanayaasha maanta maxkamadda la horgeeyay, waxaana dacwadda raggaas ay sii wadi doontaa Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo bandhigay xog ku saabsan shabakaddan ka shaqeyneysay tahriibinta dadka, iyada oo sidaas lagu soo xiray laguna horgeeyay maxkamadda.

Xeer-ilaaliyaha ayaa maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay caddeymo ay ku xoojinayaan eedaymaha u jeediyay shabakadda, oo mid khatar ah, sida uu sheegay xafiiska.

Soomaaliya waxaa si weyn ugu badan tahriibka, gaar ahaan dhalinyarada, waxaana ka faa’iideysta kooxo magafayaal ah, kuwaas oo dadka u gacan geliya shabakado qarsoon oo cadow ah.

Dhaqaale badan ayaa qofka la dul dhigaa, waxaana muuqaalo ehelkiisa loo diro laga duubaa iyadoo la jir-dilayo. Dadka qaar waxay ku dhintaan jid-dilka ay u geystaan kooxaha madax-furashada u heysta.

Kooxaha tahriibka ka shaqeeya ayaa la shaqeeya dad u jooga magaalooyin kala duwan, kuwaas oo lacagaha madax-furashada ah ka qaada ehelka dadka tahriibka, iyaga oo la wadaaga xogtooda iyo xaaladdooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this