Sign in to follow this  
Deeq A.

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐥𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 Iyo Khudbadii Uu Ka Jeediyay Shirka.

Recommended Posts

Deeq A.   

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐥𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 Iyo Khudbadii uu ka jeediyay

img_1_1740572790951.jpg

img_2_1740572806928.jpgimg_4_1740573249882.jpg

img_5_1740573300181.jpg

img_6_1740573318804.jpg

img_7_1740573336859.jpg

img_8_1740573369426.jpg

img_9_1740573384711.jpg

img_10_1740573407250.jpg

img_11_1740573424702.jpg

img_12_1740573439950.jpg

img_13_1740573475852.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa daah-furay Shirka Beeralayda Somaliland oo lagaga tashanayey kaalinta lama illaawaanka ah ee ay beeruhu kaga jiraan hormarka iyo dhaqaalaha. Shirkani wuxuu ahaa mid beeralayda lagu dhiirrigelinayey in ay kordhiyaan
wax soo saarkooda, si looga maarmo ku-tiirsanaanta cuntada dibedda la inooga soo waarido.

Shirkan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Horumarinta Beeraha, ayuu Madaxweynuhu ka jeediyey khudbad qiimo badan oo salka ku haysa muhiimadda uu wax soo saarka guduhu u leeyahay horumarka dalkeena, waxana uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay dejinayso qorsheyaal Qaran oo kor loogu qaadayo wax soo saarka dalaga beeraha ee dalkeena, waxana uu yidhi:

“Waxa Xukuumadu dejinaysaa qorshaha horumarinta beeraha iyo xoojinta wax-soo-saarkooda. Waxa Xukuumadda u qorsheysan in la sameeyo Dugsiyo Sare oo Cilmiga beeraha lagu barto iyo in beerlayada la siiyo tababarro kor loogu qaadayo aqoonta wax beerista casriga ah, la dagaalanka cayayaanka, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo in la hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka si wax soo saarkooda suuqyada gudaha u geyn karaan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ugu baaqay in ay maalgashadaan beeraha, si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha, waxana uu yidhi:

“Fursado waaweyn ayaa ka bannaan maalgashiga beeraha Somaliland, waxa aannu dhiirrigelinaynaa in ganacsatada ay maalgashato beeraha iyo warshadaha lagu farsameeyo dalagga beeraha. Sida oo kale waxa aannu soo dhaweynaynaa maalgashiga dibadda ee beeraha.“

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this