Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo sheegay inuu sameynayo hannaan cusub oo deganaashaha Mareykanka lagu qaadanayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu damacsanyahay in Maraykanku uu bixiyo nooc cusub oo degenaansho ah oo lagu magacaabo “Trump Golden Card”, kaas oo lagu qaadanayo lacag dhan 5 milyan oo doolar.


noocan degenaanshiyaha ah ee uu bixin doono maamulka Trump ayaa maalgashadayaasha fursad u siinaya Fiisaha dalka ku galka Mareykanka loogu badelo warqado dhalasho oo aan ka dhacayn muddo 35 sano ah.

Hannaanka ayaa muuqda mid loogu talo-galay dhaqaale abuur, islamarkaana maalgashadayaasha jeebkoodu buuranyahay lagu soo jiidanayo, balse lama oga sida ay bahda garsoorka Mareykanku u oggolaan doonaan hindisahan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this