Sign in to follow this  
Deeq A.

Mooshin culus oo loo gudbiyay guddoonka BF iyo arrinta ka dambeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
xildhibaanada-baarlamanka-BF.jpeg?fit=20

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada laga soo doortay Jubbaland ayaa maanta mooshin culus u gudbiyay guddoonka sare ee Golaha Shacabka, kaas oo ku aadan xaaladda cusub ee kasoo korortyay xiisadda dhexeysa dowladda iyo Jubbaland.

Mooshinkan ayaa daba socda xildhibaannadii shalay lagu xayiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo kusii jeeday dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, sida uu sheegay Xildhibaan Xasan Yare oo kamid ah xubnaha saxiixay mooshinka.

Xildhibaanka oo faah-faahiyay ujeedkooda ayaa sheegay inuu yahay la xisaabtanka madaxda dowladda, wuxuuna tilmaamay in dooda mooshinka la galayo Sabtida soo socota.

“Annaga hadda waxaan gaynay mooshin ku saabsan xildhibaannadii saaxibadeena ahaa ee lagu xayiray garoonka Muqdisho iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed diyaaradaha laga xayiray ee xaquuqda aas aasiga ee uu muwaadinka leeyahay” ayuu yiri xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Kooramka maanta waa buuxsami waayey hase ahaatee mooshinka hadda waa la haayaa Insha allah Sabtiga ayaan doodiisa galeynaa”.

Dhinaca kale xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, isaga oo ku eedeeyay inay cunaqabateyn saareen Jubbaland iyo dadkeeda.

“Garoonkii magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya wuxuu isku bedelay garoon magafayaal ay haystaan oo dadka lagu caburiyo, Madaxweynihii Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaarihii waxay noqdeen Magafayaal,” ayuu yiri xildhibaan Xasan Yare.

Waxaa kale oo uu yiri “Waxaa garoonka laga furay qol lagu wareysto dadka Jubbaland u socda ama ka imaanaya, qolkaas oo su’aallo lagu waydiiyo xaggee u socotaa, xaggee ka imaatay maxaa ka qabataa Jubbaland la leeyahay?”

Si kastaba, Shalay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Xildhibaan Cumar Qalad-diid ku xayirtay garoonka Aadan Cadde, kadib markii la ogaatay inay u socdaan magaalada Kismaayo, waxaana laga hor istaagan safarkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this