Sign in to follow this  
Deeq A.

Kullankii Golaha Shacabka ee BFS oo Kooram La’aan u Baaqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan lagu waday inuu maanta ka qabsoomo xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan, kaddib markii ay soo xaadireen kaliya 137 xildhibaan, taasoo ka hoosaysa tirada sharciga ah ee loo baahan yahay si kulanka uu u furmo.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in uu gacanta ku hayo mooshin muhiim ah, balse la qorsheynayo in Sabtida la hor keeno Golaha si loo guda galo dooddiisa iyo go’aaminta la xiriirta.

Weli lama shaacin faahfaahinta rasmiga ah ee mooshinka, balse waxaa loo badinaya in uu ku saabsan yahay Xildhibaano loo diiday in ay Garoonka ka dhoofaan.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la isugu yimaado kulan kale oo ay xildhibaannadu uga doodaan qodobada miiska saaran, halka shacabka Soomaaliyeed ay si dhow ula socdaan xaaladda Golaha Shacabka iyo mooshinka la filayo in la hor keeno.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this