Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo dib uga qarxay GEDO

Recommended Posts

Deeq A.   
dagaal.jpg?fit=1080%2C603&ssl=1

Luuq (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saaka dib uga qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo indhowanahaan colaadoodu ay ka taagneyd magaaladaasi.

Dagaalka ayaa mar kale dib uga bilowday bartamaha degmada, waxaana dhinacyada ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, taas oo keentay xaalad cusub oo kacsanaan laga dareemo halkaasi.

Maleeshiyaadka dagaalamay oo maalmihii lasoo dhaafay isku horfadhiyay degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana halkaasi ay ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo, waxayna ugu dambeyn ka dhex-qarxay dagaal toos ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, balse tiro ahaan lama xaqiijin, maadaama weli xiisaddu taagan tahay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalkaasi oo ku noq-noqday degmada Luuq.

Dagaalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo uu fashilmeen qodobadii kasoo baxay shir dib u heshisiin ah oo beelaha dagaalamaya ku dhex-maray magaalada Kismaayo, kaas oo u goobjoog ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe.

Colaaddan ayaa soo noq noqotay, waxaana beelaha dagaalamaya ay isku haystaan maamulka degmada iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay horay isugu gaysteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this