Cowke Posted June 28, 2010 Dab Ka Kacay Isbitaalka Puntland ee Magaalada Bosaaso (Sawiro) June 28, 2010 Waxaa duhurnimadii maanta dab ka kacay qayb ka mid ah Isbitaalka gaarka ah ee Puntland Hospital ee ku taalla galbeedka magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dabka ayaa ka kacay qaybta hoose ee Isbitaalka gaar ahaan qolalka keydka daawooyinka,waxaana uu ahaa mid aan sidaas oo xooganayn. Waxaana durbadiiba halkaas gaaray Ciidanka dab demiska ee Dowladda Hoose kuwa oo watay gaariga dab demiska iyadoo ay sameyeen dadaalo ay ku daminaayeen dabkaas oo aan ilaa iyo hada la ogeyn khasaaraha dabta ah ee ka dhashey. Maamulka Isbitaalka ayaa iyagu weli ka hadlin dabkaan qaabka uu ku kacay oo la isweydiinaayo. Xilliga uu dabka kacaayay ayaa waxaa jiifay qaybaha kale ee uu isbitaalka ka koobanyahay bukaano kala duwan oo arimo caafimaad u jooga,balse dabka ma uusan gaarin qaybtaas. Dabka ayaa saacado kooban ka dib lagu guuleystay damintiisa. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 28, 2010 Dabka kacay Dhismaha Isbitaalka Puntland Ee Magaalada Boosaaso Daqiiqado ka hor ayaa dab waxaa uu ka kacay Dhismaha Isbitaalka Puntland ee Boosaaso Dabkasi oo qabsaday Qeybta Hoose ee Isbitaalka oo horey u ahaan Jirtay Cafeteria iminkana laga dhigay Keyd ayaa waxaa ka kacay Dab xoogan oo sababay Qasaare soo gaaray Agab yaalay halkaasi. Ma jirto cid faahfaahisay sababta Dhalisay Dabkan waxaase goobta Dabka ka kacay Soo gaaray Dab damiska Dowlada hoose ee boosaaso waxaana dabkaasi ladamiyay Xoogiisa inskata oo weli qiiq kabaxayo Qeybta hoose ee Dhismaha Isbitaalka Puntland. Dabka ka kacay Isbitaalka ayaa waxaa iminka lagu guuleystay in la xakameeyo Shaqaalah Isbitaalka & shacab u soo gurmadaya ayaa Ayaa isbitaalka daabulay Qeybta Gubatay Agabka Dawooyinka qaar ee ka badbaaday. Maamulka Isbitaalka Puntland ayaa waxaa ay ka shaqeynayaan Deminta Dabka waxaana weli aysan ka hadlin sababta dabka dhalisay waxaase ay sheegen inay baari doonan Dabka sababta keentay Goobta Dabka ka kacay ayaa waxaa Ilaalo xoogan ka haya Ciidamada Booliiska & SPU-da iyo sidoo kale Ilaalo gaar ah oo uu leeyaha Isbitaalka Puntland ee Boosaaso. Wixii ku soo kordha kala soco SBC SBC International Boosaaso Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 1, 2010 Maamulka Isbitaalka Puntland Oo Ka Warbixiyey Dab Dhowaan Ka Kacay qayb ka mid ah Isbitaalka July 1, 2010 Maamulka Isbitaalka Puntland ee magaalada Bosaaso ayaa ka warbixiyey dab dhowaan qabsaday qaybo ka mid ah gudaha Isbitaalka. Dr.Cabdisalaan Xassan Cabdi oo ah Agaasimaha Isbaitaalka Puntland ayaa mar uu la hadlaayay Saxaafadda sheegay in dabkaasi uu ahaa mid ka dhashey koronto isla markaana ka kacay kaydka Isbitaalka. Wuxuu sheegay in dabku waxyeelo ba’an gaarsiiyey inta badan daawooyinka keydka ku jirey, taasina ay dhaawac weyn ku tahay Isbitaalka. Agaasimaha Isbitaalka ayaa amaan u soo jeediyey Ciidanka dab demiska ee Dowladda Hoose oo u sheegay in ay qayb weyn ka qaateen daminta dabka. Dr.Cabdisalaan ayaa sidoo kale in Isbitaalka uusan qaban howlahiisa isagoo sheegay in dhowaan ay dib u bilaabi doonaan adeegyada caafimaad uu fidin jirey oo hakad galay ayna hadda dib u habayn ku samaynayaan Isbitaalka. Wuxuu xusay in Wasiirka Caafimaadka Dawladda Puntland Dr.Cali Cabdulaahi Warsame uu la soo xirriray una uga tacsiyeeyey dhibta soo gaartay. Isbitaalka Puntland ayaa ka mid ah Isbitaalada ama xarumaha Caafimaadka ee sida gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Bosaaso, waxaana lagu tilmaamaa in uu ahaa kan ugu weyn Puntland oo ka mid ah kuwa gaarka loo lee yahay. Cabdisalaan Axmed Shire Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites