Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in duqeyn uu Imaaraadku ka fuliyay buuraleyda Calmiskaad lagu dilay 25 xubnood oo Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in duqeyn uu Imaaraadku ka fuliyay deegaanka Miraale oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad lagu dilay 25 xubnood oo Daacish ah.

deegaanka Miraale ayaa ahaa Taliska weyn oo ay aaggaas ku lahayd kooxda Daacish, iyadoo la beegsaday xubno halkaas isku aruursanayay, sida lagu sheegay war ka soo baxay Puntland.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa lagu dilay boqolaal ka tirsanaa dagaalameyaasha kooxdaas, kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanibba.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this