Deeq A. Posted February 25 𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 Hargeysa; 25.02.2025 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay wehelinayaan Wasiirro & Hawl-wadeenno sare oo ka tirsan Xukuumadda ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay Hay’addaha Caalamiga ah ee xagga Horumarka ka shaqeeya oo ay ka mid yihiin Deeq bixiyeyasha Midowga Yurub (EU), Dalka Boqortooyada Ingiriiska (UK) Qaramada Midoobey (UN) ,Canda , USA iyo Wakiillo ama hawl-fuliyeyaal ka socday Hay’adahooda. Madaxweynuhu waxa uu ugu horreyn Weftiga ballaadhan si weyn ugaga mahad naqay taageeradooda joogtada ah, waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay iskaashigani u leeyihiin horumarinta ajendaha horumarineed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan ayaa ahaa mid ku qotoma is-waafajinta hindisayaasha muhiimka ah ee lagu kobcinayo dhaqaalaha, horumarka bulshada, iyo hiigsiga horumar waara, taas oo xoojinaysa ka go’anaanshaha Jamhuuriyadda Somaliland ee iskaashiga caalamiga ah. Wada-hadalladani waxa ay ahaayeen kuwo muujinaya in Beesha Caalamku ay si weyn u aqoonsan tahay amniga, xasiloonida iyo hannaanka dimuqradiyadda ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in la sii xoojiyo xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka ka dhaxeeya. Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha weftiga mid mid u guddoonsiiyay Hadiyad astaan u ah iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beesha Caalamka. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News Share this post Link to post Share on other sites