Sign in to follow this  
Deeq A.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

ย 

img_1_1740516153274.jpg

img_3_1740516192260.jpg

img_2_1740516176832.jpg

img_4_1740516208316.jpg

img_5_1740516225524.jpg

img_6_1740516241216.jpg

img_7_1740516257508.jpg

img_8_1740516273212.jpg

img_9_1740516300525.jpg

img_10_1740516315208.jpg

img_11_1740516330140.jpg

img_12_1740516346595.jpg

img_13_1740516361244.jpg

๐–๐€๐‘ ๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Hargeysa; 25.02.2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay wehelinayaan Wasiirro & Hawl-wadeenno sare oo ka tirsan Xukuumadda ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay Hayโ€™addaha Caalamiga ah ee xagga Horumarka ka shaqeeya oo ay ka mid yihiin Deeq bixiyeyasha Midowga Yurub (EU), Dalka Boqortooyada Ingiriiska (UK) Qaramada Midoobey (UN) ,Canda , USA iyo Wakiillo ama hawl-fuliyeyaal ka socday Hayโ€™adahooda.

Madaxweynuhu waxa uu ugu horreyn Weftiga ballaadhan si weyn ugaga mahad naqay taageeradooda joogtada ah, waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay iskaashigani u leeyihiin horumarinta ajendaha horumarineed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan ayaa ahaa mid ku qotoma is-waafajinta hindisayaasha muhiimka ah ee lagu kobcinayo dhaqaalaha, horumarka bulshada, iyo hiigsiga horumar waara, taas oo xoojinaysa ka goโ€™anaanshaha Jamhuuriyadda Somaliland ee iskaashiga caalamiga ah.

Wada-hadalladani waxa ay ahaayeen kuwo muujinaya in Beesha Caalamku ay si weyn u aqoonsan tahay amniga, xasiloonida iyo hannaanka dimuqradiyadda ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in la sii xoojiyo xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka ka dhaxeeya.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha weftiga mid mid u guddoonsiiyay Hadiyad astaan u ah iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beesha Caalamka.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this