Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada oo maanta qaaday tallaabo culus

Recommended Posts

Deeq A.   
Doorashooyinka-.jpg?fit=1552%2C847&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) –  Gudigga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta howlaha loo igmaday doorashada, wuxuuna maanta shir muhiim ah ka furay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga Cabdikariin Axmed Xasan oo shirka furay ayaa sheegay inay isugu yeeriyeen ururada siyaasadda, ayna u bilowdeen wada-hadallo xasaasi ah.

Cabdikariin ayaa u sheegay hoggaanka ururada uu la kulmo inay u diyaar garoobaan diiwaangelin, maadaama la aadayo xisbiyo iyo doorasho dadweyne.

“Maalintii aan shahaadada idin siino oo noqotaan ururo rasmi ah waxaa tihiin Real Stake-holders doodda siyaasadda Soomaaliya idinka ayaa hagi doono. Waxaan u taaganahay sidii uu dalkeenu u yeelan lahaa Xisbiyo rasmi ah oo jaan-gooya siyaasadda.”” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in doodda ay sii socon doonto, isla markaana ay badinayaan wada-hadallada iyo kulamada ay la qaadanayaan ururada siyaasadda.

“Shirka maanta waa noo furan yahay dooddu waa badnaan doontaa, wadahadalka wuu socon doonaan, hadda kadibna xarunteenna waa idin furnaan doontaa” ayuu raaciyay.

Tallaabada uu maanta qaaday guddiga doorashooyinka ayaa kusoo aadeyso, xilli ay taagan tahay doodda culus ee ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar kamid ah maamullada dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this