Sign in to follow this  
General Duke

Morgan gets a hero's welcome in Mogadishu: Progress

Recommended Posts

Generea Mohamed Sicid Hersi Morgan, the infamous warlord of Somalia second only to the late General Aydeed in terms of participation in the destructive wars has been welcomed and is right now touring Mogadishu.

 

General Morgan who was portrayed as the devil by the USC faction of Mogadishu has now been given the keys to the city.

Many have viewed this visit as just another attempt by the warlord’s of Xamar to try and save face in light of their failures to bring order and normality to the former capital. Some see it as a landmark moment, for if the inhabitants of Mogadishu can welcome Morgan they are ready to welcome anyone.

 

As for the General he has apologised to the people of Hargaysa for the past actions and has stated publicly its time to move on.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubno uu ku jiro Gen.Moorgan oo Muqdisho ka degay

 

 

Burtinle-Online

Arbaco, May 25 2005

 

Wafdi Xildhibaano ah oo ka kooban dhowr iyo toban xubnood ayaa maanta ka degay garoonka NO.50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Wafdigan oo kasoo kicitimay magaalada Nairobi ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyay hogaamiye-kooxeedka gobolka Shabeelaha Dhexe Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) iyo xubno kale.

 

Wafdigan ayaa waxaa isla maanta loo qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo la dejiyay Hotel Saxafi oo ku yaala KM 4, ayna ku hoydaan inta badan xubnaha labada gole ee dowladda ee haatan ku sugan Muqdisho.

 

Wafdigan maanta Muqdisho gaaray ayaa waxaa kamid ah Gen.Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo horay wasiirka difaaca uga ahaan jiray dowladdii Maxamed Siyaad, qeyb weyna ka qaatay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

 

Generaal Moorgan ayaa ku guul dareystay inuu kamid noqdo xubnaha beeshiisa u galay Baarlamaanka, taasoo keentay in uu xubin ka noqon waayo dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Cali Maxamed Geeddi.

 

Burtinle-Online

editor@burtinle.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gen. Morgan oo booqday xeryaha lagu ururiyey malleyshiyaadkii magaalada Muqdisho

 

Muqdisho - 28.May.2005 Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in General Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo lsaga laftuusu ka mid ahaan jirey saraakiishii xoogga dalka Soomaaliyeed uu maanta booqday xeryaha lagu tababarayo malleyshiyaadkii laga ururiyey gudaha magaalada Muqdisho.

 

General Morgan ayaa xerada Laanta Buur waxaa uu salaan kaga qaatay in ka badan 500 oo malleyshiyo ah oo halkaas lagu ururiyey si tababar loogu siiyo.

 

Wasiirrada ku jira dawladda federaalka Soomaaliyeed ee Jananka halkaas ku soo dhoweeyey ayaa waxaa ka mid ah wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow.

 

Mar uu la hadlayey ciidamadaas malleyshiyaadka ah waxaa uu ku dhirri geliyey in ay tababarka qaataan isla markaasna u diyaar garoobaan mas’uuliyadda difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

MM Dhoorre

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jeneraal Morgan:"Muqdishana waxaan u imid 14 sano kaddib inaan ka qeyb qaato nabadda, waayo ninkii dagaalka geesi ku ah ayaa nabaddana geesi ku noqon kara"

 

May 25, 2005

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Jen. Max’ed Saciid Xersi (Morgan) oo xilal badan ka soo qabtay dowladdii Max’ed Siyaad Barre, isla markaana dagaalo badan la galay maamulka ka taliya magaalada Kismaayo ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho isaga iyo xubno la socda.

 

"Waxaan maanta farxad ii ah inaan Muqdisho oo 14 sano aan ka maqnaa laygu soo dhaweeyo" ayuu yiri jen. Morgan kale oo mar kale yiri.

 

"Waxaa Geesahayga fadhiya raggii aan is dagaalnay, sida Yuusuf Indhacade, Axmed Cumar Jees cabdi Qaybdiid iyo Bootaan Ciise, Muqdishana waxaan u imid 14 sano kaddib inaan ka qeyb qaato nabadda, waayo ninkii dagaalka geesi ku ah ayaa nabaddana geesi ku noqon kara" ayuu yiri Morgan

 

wuxuu sheegay Jen. Morgan in aysan habooneyn in laga meermeero caasimadda, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la taageero qorshaha nabadda.

 

"Shacabku markii aan dagaalameynay wey ina taageeri jireen oo rasaasta iyo hubka iyo dhaqaalaha wey nala daba taagnaayeen, marka hadda waxaa la rabaa in la taageero qorshaha nabadda" ayuu yiri Jen. Morgan.

 

Mar Jeneraalka la weydiiyay su’aal ahayd Muqdisho imaatinkaaga kaddib ma tagaysaa Kismaayo ayuu ku jawaabay "Anigu ajnabi ma ahi Muqdisho ayaan imid qorsheyguna waa nabadda inaan ka qeyb qaato"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this