Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal culus oo saaka ka qarxay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal culus oo saaka ka qarxay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan.

Warrarka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka uu dagaal culus ka qarxay tuulada la yiraahdo Caddow Gurey oo hoos tagta degmada Buulo-Burde. Dagaalka oo ay soo qaadeen dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaabb ayaa lagu ekeeyay saldhig ay fadhiyeen ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka.

Dagaal culus ayaa la soo weriyay in uu qarxay waxana warbaahinta dawladdu sheegaysaa in la jabiyay kooxihii weerarka soo qaaday, waxana bartooda telegram ay ku baahiyeen sawirro muujinaya maydad daadsan goobta dagaalka oo lagu sheegay in ahaayeen dagaalamayaasha al-Shabaab.

Kooxda al-Shabaab iyana waxa ay barraha internet-ka ee taageera ku baahiyeen warrar sheegay in dhawr deegaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ay weerarreen isla markaana khasaare xoog leh u geysteen ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka.

Ma jirto cid madaxbannaan oo xaqiijnaysa sheegashada labada dhinac ka imaanaysa ama ka hadlaysa baaxadda khasaaraha uu dhaliyay dagaalka saaka.

Deegaanno ku dhaw halka uu saaka dagaalku ka dhacay waxa joogay taliyaha sirdoonka Soomaaliya Cabdillaahi Maxamed Cali Sanbalooshe iyo madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Yuusud Dabogeed oo halkaas u tagay in ay dardargaliyaan dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this