Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinno dheeraad ah oo ka baxaya dagaal xooggan oo deegaanka Al-kowsar ku dhex maray ciidanka xoogga iyo Alshabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo duhurnimadii maanta kooxda Al-Shabaab iyo Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ku dhex maray deegaanka Al-kowsar ee gobolka shabeellada dhexe.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa la sheegay inay khasaare xooggan gaarsiiyeen xubno ka tirsan Alshabaab oo weerar ku soo qaaday deegaankaas, waxaana soo baxaya xogo kala duwan oo khasaaraha dagaalkaas ku saabsan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarka soo qaaday, waxayna saraakiisha Ciidanku sheegeen inay xubno badan ka dileen, sidoo kalena ay gaadiid iyo saanad ka qabsadeen, xogaha dagaalkaasina waa kuwo isi soo taraya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this