Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta qorshe ay DF ku qoraneyso shaqaale ka badan 30,000 oo qof

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraneysa shaqaale gaaraya 30,506 xirfadle caafimaad ah.

Shaqaalahan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah 5,000 oo haweenka adeegayaasha caafimaadka bulshada, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qorshahan ay shaqaalaha caafimaad ku qoraneyso wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa socon doona muddo illaa 2029-ka. Waana mid kamid qorshaha isbeddelka qaranka (NTP-2025-2029), kaasi oo Axaddii uu ansixiyau Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Sidoo kale, marka ay noqoto dhanka caafimaadka waxaa qorshahan ugu jira xoojinta Golaha Qaranka ee Mihnadleyasha Caafimaadka (GQMC), si ay si buuxda u gutaan shaqada loo igmaday, oo kamid yihiin;

  1. Bixinta shatiga oggolaansha shaqo ee xirfadlaha
  2. Hubinta tayada goobaha waxbarshada caafimaadka, iyo tayada adeegga xarumaha caafimaadka dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale waxay dowladdu qorsheynaysaa si loo xoojiyo horumarinta adeegga caafimaadka heerka labaad, in ay casriyeyso 18 isbitaal ee heer gobol iyo dhisidda 8 isbitaal heer maamul-goboleed, kuwaas oo bixin doona adeegga caafimadka takhasuska ah iyada oo ay iska-kaashanayaan dowladda iyo ganacsatada (PPPs).

Si kastaba, qorshaha isbeddelka qaranka (NTP) ayaa tusaale u ah hannaanka cusub ee ay qaadday Soomaaliya, kaas oo xoogga saaraya waxqabad muuqda iyo isbeddel dhab ah. Sidoo kale wuxuu ku saleysan yahay ka faa’iideysiga khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si loo gaaro horumar waara.

Qorshaha NTP oo beddelaya qorshihii 9-aad ee horumarinta qaranka (NDP), ayaa horseedi doona hiigsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh oo ka tarjumaya mustaqbalka ifaya ee uu leeyahay Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu xambaarsan yahay qorshayaal dhowr ah oo lagu maalgeliyo beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, jidadka, buundooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale, sida ay horey u sheegtay xukuumadda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this