Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka DF oo ku sugan Turkiga + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
480927950_1144486394384632_7108003691236

Ankara (Caasimada Online) – Wafdi sare oo ka socda Taliska Tababarada iyo Doktoriinka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Taliyaha Taliska ayaa safar shaqo oo muhiim ah ku tagay dalka Turkiga.

Ujeedka safarkaan ayaa ahaa xoojinta iyo horumarinta aqoonta tababarada Ciidamada, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo diyaarinayo hanaan casri ah oo la jaanqaadi kara nidaamyada iyo xeeladaha cusub ee Ciidamada Caalamka.

Intii uu waftigu ku sugnaa Turkiga, waxay booqdeen xarumo tababar oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Talisyada tababarka ee Ciidanka Dhulka, Kulliyadda Layliga Saraakiisha, Dugsiyada Madaafiicda iyo Gantaalaha, Dugsiga Isgaarsiinta iyo Xarunta Carbisyada Ciidanka.

Saraakiishan ayaa sidoo kale indhaha soo saaray Dugsiga Tababarka Ciidamada Gaarka ah iyo Dallaayadaha (Special Forces & Airborne Training School) iyo Dugsiga Tababarka Komaandooska.

Kulamo ay waftigu la qaateen saraakiisha Turkiga ayaa lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca tababarka, sare u qaadidda tayada Ciidamada iyo la jaanqaadidda hababka casriga ah ee dhismaha iyo howlgalinta Ciidanka.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh iskaashi qoto dheer oo dhanka amniga iyo ciidamada ah, iyadoo Ankara ay Muqdisho ka taageerto tababarka ciidamada xoogga, kuwaas oo door muuqda ka qaata nabadeynta dalka iyo dagaallada lagula jiro kooxaha argagixisada.

481274906_1144486604384611_4954184510546

480575551_1144486507717954_8780849514210

480926595_1144486264384645_5676457339175

480579477_1144486391051299_6272895689213

480712451_1144486271051311_9747950476349

481239698_1144486241051314_3949277385147

480927950_1144486394384632_7108003691236

480794146_1144486504384621_4643087964647

481170339_1144486501051288_2492184198630

480911111_1144486731051265_1403068436729

481091277_1144486867717918_6168050116926

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this