Sign in to follow this  
Deeq A.

Muhiimadda heshiisyada ay wada-galeen dowladaha Soomaaliya iyo Libya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed ku tagey dalka Libya tan iyo markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas korneyl Mucamar Al-Qadaafi.

Madaxweynaha ayaa hoggaamiyaasha dalkaas kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka, iskaashiga labada dal, iyo dib u soo celinta tahriibeyaasha Soomaaliyeed ee halkaas ku dhibaataysan.

Madaxda Soomaaliya iyo Libya ayaa kala saxiixday heshiisyo badan, balse arrinta tahriibeyaasha ayaa muhiimad weyn u leh dhinaca Soomaalida, maadaama dhallinyaro badani ay dalkaas ku xayiranyihiin.

Heshiiska labada dal ayaa la filayaa inuu kaalin weyn ka qaadan doono wax ka qabashada dhibaatada ay magafayaasha Libya u geystaan dhallinyarada Soomaaliyeed, taas oo kamid ah culaysyada ugu waaweyn ee ay dadweynaha Soomaaliyeed la daalaadhacayeen tobanaankii sanoo la soo dhaafay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this