Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka dhacay xuduudda Kenya iyo Itoobiya iyo Kenya oo dirtay ciidamo

Recommended Posts

Deeq A.   
Fano-militia-scaled.jpg?fit=2560%2C1706&

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa si weyn u adkaysay amniga xadka ay la wadaagto Itoobiya, halkaasi oo la geeyey ciidamo dheeraad ah, kadib weerar ay fuliyeen rag hubaysan, kaas oo ay mas’uuliyiintu ku sifeeyeen isku dhac xuduudeed. Ugu yaraan 22 qof ayaa weli la la’yahay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa Isniintii sheegay in dowladda Kenya ay si dhow ula shaqaynayso mas’uuliyiinta Itoobiya si loo helo dadka maqan.

Sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Turkana, Jeremiah Lomorukai, kalluumaysato Itoobiyaan ah ayaa Sabtidii waxay isku dhaceen dhiggooda reer Kenya ee ka kalluumaysta webiga Omo. Mas’uuliyiinta maxalliga ah ayaa xaqiijiyay in 15 doonyood la waayay.

Booliska Turkana ayaa Axaddii sheegay in la la’yahay 22 kalluumaysato Kenyan ah, halka 15 doonyood la xaday. Dhanka kale, lix kalluumaysato ah oo ka tirsan qowmiyadda Dasenech ee Itoobiya ayaa la badbaadiyay oo dib loogu celiyay dalkooda.

Dhinaca Itoobiya, ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen iska horimaadka, sida uu Isniintii shaaciyay guddoomiyaha degmada Dasenech, Tadele Hatte.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Raymond Omollo, ayaa Axaddii uga digay warbaahinta iyo bulshada faafinta warar aan la xaqiijin, isaga oo xusay in arrimaha amniga aan lagu buunbuunin karin warar aan sal lahayn.

“Dhacdadan waxay ka dhacday dhanka Itoobiya, waxaana baaritaan ku haya kooxaha amniga, oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Gobolka, Guddoomiyaha Degmada iyo Kooxaha Sirdoonka Degmada, si loo helo xog dhamaystiran,” ayuu yiri Omollo.

Wuxuu intaas ku daray: “Marka aan helno xog rasmi ah, waxaan la wadaagi doonnaa bulshada. Hadda waxa aan ugu baaqayaa in si taxaddar leh loo wajaho arrintan, maadaama amnigu yahay arrin culus oo aan la buunbuunin karin sababo kasta ha noqotee.”

Bulshada Turkana ee Kenya iyo qowmiyadda Dassanech ee Itoobiya ayaa si wadajir ah u wadaaga dhaqaale ku salaysan xoolo-dhaqashada iyo kalluumaysiga.

Gobolka ayaa horey waxaa uga dhacay weerarro xoolo-dhac ah oo lala beegsaday tuulooyin daris ah. Dowladda Kenya ayaa horey u kordhisay ciidamada kaydka ee xadka ka howlgala, balse dambiilayaashu waxay inta badan u baxsadaan dhanka Itoobiya.

Wasiir Murkomen ayaa sheegay in Kenya ay qorshaynayso inay dhisto bar xuduudeed rasmi ah si dhammaan dadka soo galaya dalka loo hubiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this