Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Ka Qayb Gashay Shirka Dhalinyaradda Afrika Ee ka socda Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG_9844.jpeg
IMG-20250225-WA0000.jpg

IMG-20250225-WA0001.jpg

IMG-20250225-WA0002.jpg

Shirka dhalinyaradda qaaradda Afrika ee ka socda magaaladda addis ababa ee caasimadda dalka itoobiya ayaa waxaa si weyn uga dhex muuqada dhalinyarada Somaliland ee shirka ka qayb gashay.

Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee wasaarada Waxbarashada Somaliland Cabdixakiim Siciid Bustaale Oo Kamida Dhalinyarada Reer Soomaliland oo Qayb Ka Ahaa Shirka Dhalinyarada Africa Ee lagu Qabtay Dalka Itoobiya.

Dhalinyarada Somaliland Ee Ka Soo Qayb Gashay Shirka African Youth Leadership – Diplomatic Conference oo u Diyaarsan aqoon ahaan iyo Hogaamin ahaanba, waxay Soo Bandhigeen Dhalinyarada somaliland ayaa shirka hidaha iyo dhaqankooda ku soo bandhigay.

Dhalinyaradu waxay heleen fursad ay ku matalaan dalkooda, kuna gudbiyaan qadiyada Somaliland in ka badan 300 oo dhalinyaro Afrikaan ah. Sidoo kale, waxay ku guuleysteen inay dhistaan xidhiidho cusub iyo saaxiibo ku yeeshaan dalalka kale ee Afrika.

Shirkaasi waxaa ka qayb galay masuuliyiin iyo dhalinyaro ka kala socota wadamadda qaaradda Afrika.

Shirkan oo loo yaqaano African Youth leadership ayaa Somaliland waxa ay ka mid tahay waddamada sida khaaska ah loogu martiqaaday.

Iyadoo ay shirkaasi ka qayb gelayaan xubno dhalinyarro reer Somaliland ah.
Waxaana dhalinyaradaasi ka mid ah Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee wasaarada Waxbarashada Somaliland Cabdixakiim Siciid Bustaale.

Qoraal kooban oo uu kaga hadlayay ka qayb galkoodda shirkaasi ayuu ku sheegay in ay sharaf u tahay Somaliland in ay shirkaasi ku metelaan.

Waxaanu yidhi, “Sharaf waynbay noo tahay in aan qaranka Somaliland ku matelno shirka hogaaminta iyo horumarinta dhalinyarada Africa oo ka dhacaya magaaladda adis ababa ee caasimadda dalka itoobiya”. Wasiir Cabdixakiim Siciid Bustaale., waxa kaloo uu sheegay in hadal shirkaasi ka jeediyay uu ku dul istaagay sida ay Somaliland fursadaha u siisay dhalinyaradda.

Hargeisa press

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this