Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Guudlaawe oo gurmad ku tegay tuulo maanta Shabaab soo weerareen

Recommended Posts

Deeq A.   
guudlaawe-1.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirSahbeelle Cali Guudlaawe ayaa galabta safar deg deg ah ku tegay deegaanka Cadaan-laxeey oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo saakay barqadii ay soo weerartay kooxda Al-Shabaab, isla markaana loogu dhigay cashir lama ilaabaan ah.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo fariisimo ku lahaa deegaankaas ayey soo weerareen Al-Shabaab, waxaana laga hortegay weerarkii ay doonayeen inay labo sano kadib dib ugu qabsadaan deegaanka muhiimka ah ee Cadaan-Laxey.

Cali Guudlaawe oo watay ciidan gurmad ah ayaa tegay Cadaanlaxey, waxaana halkaas isaga carartay kooxdii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, intaas kadib madaxweynaha HirShabeelle ayaa qabtay shir jaraa’id oo bulshada deegaankaas iyo ciidanka qaranka uu kula hadlay.

“Al-Shabaab iyagoo intaan ka xoog badan, kana xoolo badan ayaa laga fara-maroojiyey deegaankaan, afar sano iyagoo geeda hoostood ku jiray lagama yaabo in maanta ay dib u qabsadaan Cadaan-laxey,” ayuu yiri Cali Guudlaawe oo u mahadceliyey ciidankii iyo shacabkii dagaalamay ee iska difaacay weerarkii Al-Shabaab.

Weerarka Al-shabaab ay maanta ku qaadeen tuulada Cadaan-laxeey ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Sh/Dhexe ay ka dhaceen dagaalo culus, kadib markii Al-Shabaab oo labo sano ka hor laga xoreeyey gobolkaas ay soo laba kacleeyeen.

Dhamaan degmooyinka gobollada HirShabeelle waxaa ka jira diyaar garow dagaal oo lamid ah kii labo sano ka hor ka curtay halkaas, deegaanada sida weyn ay dadku u diyaar garoobeen ee shacabku hubka lasoo baxay waxaa kamid ah Raage-Ceelle.

Sawirro laga soo qaaday shacabka hubkooda lasoo baxay ee deegaankaas ayaa muujinaya dhalinyarada iyo odayaasha oo qaatay hubkooda, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay ku biiraan dagaallada looga hortagayo kooxaha Khawaarijta ee dib ugu soo rogaal-celiyey gobolka.

Hoos ka daawo Cali Guudlaawe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this