Xaaji Xunjuf Posted 12 hours ago Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wafti ballaadhan oo u hoggaaminaayo oo ay mid yihiin Wasiirka Gaashandhigga , Wasiirka Gaadiidka, Wasiirul Dawlaha Arrimaha Gudaha, Wasiir ku xigeenka Maalgashiga, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Xildhibaanno ayaa socdaal shaqo ku gaadhay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag. Waftigan ayaa soo dhawayn loogu sameeyey Deegaanada u dhaxeeya Berbera ilaa Ceerigaabo iyaga oo waftigu galabta casarkii gaadhay magaalada Ceerigaabo. Ugu horreyn Cuqaasha, waxgaradka Gobolka Sanaag oo soo dhaweeyey waftiga ayaa sheegay in ay si bilaa shuruud ah waftiga kala shaqaynayaan doonaan hawlaha ay u socdaan. Badhasaabka Gobolka Sanaag iyo Maayir kuxigeenka Ceerigaabo oo iyaguna waftiga ku soo dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo. Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo madasha ka hadley ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda cusub ay diyaar u tahay in ay bulshadeeda dhageysato isla markaana kala shaqayso arrimaha horumarinta Bulshada. Ugu Dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka JSL Md.Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga waramay ujeeddada socdaalkooda oo u ku sifeeyey sidii nabada Ceerigaabo looga wada shaqayn lahaa iyo Qaramaynta Ciidanka Madaniga ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 Posted 5 hours ago Why are they wasting their time? Quote Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 Posted 4 hours ago Why are they wasting their time? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted 1 hour ago you will never get tired of peace Quote Share this post Link to post Share on other sites