Xaaji Xunjuf

Somaliland vice president mohammed ali plus army chief visit sanaags capital ceerigaabo

Recommended Posts

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wafti ballaadhan oo u hoggaaminaayo oo ay mid yihiin Wasiirka Gaashandhigga , Wasiirka Gaadiidka, Wasiirul Dawlaha Arrimaha Gudaha, Wasiir ku xigeenka Maalgashiga, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Xildhibaanno ayaa socdaal shaqo ku gaadhay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

Waftigan ayaa soo dhawayn loogu sameeyey Deegaanada u dhaxeeya Berbera ilaa Ceerigaabo iyaga oo waftigu galabta casarkii gaadhay magaalada Ceerigaabo.

Ugu horreyn Cuqaasha, waxgaradka Gobolka Sanaag oo soo dhaweeyey waftiga ayaa sheegay in ay si bilaa shuruud ah waftiga kala shaqaynayaan doonaan hawlaha ay u socdaan.

Badhasaabka Gobolka Sanaag iyo Maayir kuxigeenka Ceerigaabo oo iyaguna waftiga ku soo dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo madasha ka hadley ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda cusub ay diyaar u tahay in ay bulshadeeda dhageysato isla markaana kala shaqayso arrimaha horumarinta Bulshada.

Ugu Dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka JSL Md.Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga waramay ujeeddada socdaalkooda oo u ku sifeeyey sidii nabada Ceerigaabo looga wada shaqayn lahaa iyo Qaramaynta Ciidanka Madaniga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.