Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid DENI waddo ma siin doonaa Xasan Sheekh kadib hadalkii ka soo yeeray

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-Deni.jpeg?fit=2048%2C1347&s

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa dadkiisa iyo ciidanka maamulkiisa u jiheeyay inay iska dulqaadaan argagixisada muddo fog ku jirtay buuraha Calmiskaad.

Dagaalka ayaa bil dhaafay, waxaana lasoo wariyay in ciidanka Puntland ay godad badan ka saareen dagaalyahannada argagixisada. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Mareykanka ayaa dhowr jeer duqeyn ka geystay buuraha Calmiskaad intii uu socday dagaalka.

Puntland waxay dagaalkan qaaday xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo kala dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan colaad shaqsiyadeed oo u dhaxeysa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni.

Intii uu dagaalkan socday, Puntland wax gurmad ciidan ah, saanad, dhaqaale ama taageero kale kama helin dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Sabtidii, intii uu furayay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, sheegay in dowladda federaalka ay bixin doonto gurmadkii waajibka ku ahaa, ayna magacaabeyso guddi arrintaasi ka shaqeeya oo garab istaaga dagaalka ay Puntland kula jirto argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu horey u ballan-qaaday in uu argagixisada Soomaaliya soo afjari doono, balse dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish ayaa hadda u muuqda mid uu si gaar ah u siyaasadeeyay.

Maxaa sababay hadalka cusub ee Xasan Sheekh?

Waxaa la aaminsan yahay in saddex arrimood ay keeneen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu mowqifkiisa ka beddelo dagaalka Puntland:

  1. Guusha Puntland ee dagaalka – Puntland waxay si tartiib tartiib ah ugu sii siqeysaa guul, iyada oo aan wax taageero ah ka helin dowladda federaalka.
  2. Dibloomaasiyadda caalamiga ah – Dowladaha waaweyn ee caalamka, sida Mareykanka iyo Ingiriiska, waxay mudnaanta siiyeen dagaalka Puntland kula jirto argagixisada, iyaga oo si dhow ula shaqeynaya maamulka Deni, halka ay indhaha ka qarsanayaan xaaladda dowladda federaalka.
  3. Kor u kaca shacbiyadda Saciid Deni – Hoggaamiyaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, wuxuu si weyn ugu soo kacay siyaasad ahaan iyo shacbiyad ahaanba, taas oo caqabad weyn ku noqon karta Xasan Sheekh.

Saddexdan qodob oo isku biiray ayaa la rumeysan yahay inay Xasan Sheekh ku riixayaan inuu wax uun ku darsado dagaalka ka socda buuraha gobolka Bari.

Mowqifka Deni ma is beddeli doonaa?

Su’aasha ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah: Saciid Deni ma siin doonaa jid Xasan Sheekh, mise wuxuu sii wadi doonaa istiraatiijiyaddiisa madax-bannaan?

Dadka sida dhow u yaqaan hoggaamiyaha Puntland waxay aaminsan yihiin in Deni uusan si sahlan mowqifkiisa u beddeli doonin. Wuxuu fahamsan yahay sida ay dowladda federaalka u dhibsanayso in Puntland ay hoggaamiso dagaalka argagixisada iyada oo aan helin taageeradii xaqa ahayd ee ay ka sugaysay Villa Soomaaliya.

Haddii Puntland ay guul ka gaarto dagaalka, saameynta siyaasadeed ee Xasan Sheekh ayaa hoos u dhacaysa, taasoo sii kordhin karta xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this