Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo xukuumadda ugu baaqay in doorashooyinka xiligoodii qabato

Recommended Posts

Deeq A.   

MaxamedKaahin1-1.jpg

Hargeysa,(Qaran news)-Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Maxamed Kaahin Axmed isla markaasina ahaa Wasiirka arimaha gudaha ee xukuumaddii hore oo la hadlay warbaahinta ayaa xukuumadda Somaliland ugu booriyay in ay qabato oo aan maalin dib loo dhigin doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka.

Gudoomiye Maxamed Kaahin ayaa sheegay in xukuumadda hada jirtaa ay masuul ka tahay qabsoomida doorashooyinka fooda inagu soo haya.

Dhanka kale madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo tofobaadkii hore isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay xukumad ahaan ay ka go’antahay in ay qabtaan doorashooyinka fooda inagu soo haya.

Sidoo kale gudiga doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa daboolka ka qàday in ay diyaar u yihii in ay qabtaan doorashooyinka arintaasi oo dhiiri galisay dadkii isu soo sharxi lahaa doirashooyinka fooda inagu soo haya, taasi ay bilaabmatay in musharaxiintu ay la shiraan deegaanada laga soo dooran doono isla markaadna aad goob kasta ku arkaysid xayaysiiska musharaxiinta u taagan doorashooyinka soo socda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this