Deeq A. Posted 20 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Soomaaliya ay dooneyso inay marti-geliso wadahadallada lagu dhex-dhexaadinayo dhinacyada isku haya colaadda ka jirta dalka Suudaan, halkaas oo ay ku dagaalamayaan dowladda dhexe iyo kooxo falaago ah oo dowladda kasoo horjeeda. Wasiir Fiqi, oo isagoo ku sugan Mareykanka, ayaa wareysi uu siiyey VOA wuxuu ku sheegay in Soomaaliya ay u diyaar garowday marti-gelinta heshiisiinta reer Suudaan, maadaama Suudaan ay abaal weyn horay ugu gashay Soomaaliya. “Soomaaliya waxay soo martay colaado sokeeye, khibradda iyo waayo-aragnimada aan heysano waxay na bareysaa in meeshii hoose ee aan gaarnay in Suudaan aysan ku habbooneyn in loo horseedo, masuuliyad ayaa naga saaran badbaadinta Suudaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya aysan indhaha ka fiirsan doonin Suudaan oo burbureysa, oo ku socota jidka wada-sinaashaha, dowlad iyo jabhado dagaalamaya iyo burburka oo sii baahaya. “Suudaan waxay na garab taagneyd 30-kii sano ee Soomaaliya ay xaaladda burburka iyo soo kabashada ku jirtay. Waligeed safaaradda Suudaan lama xirin, mar bay noqotay safaaradda kaliya ee ka furan magaalada Muqdisho, iyadoo caalamka dhan uu isaga tegay dalkeenna. 70 kun oo arday Soomaaliyeed ah oo maanta ka mid ah masuuliyiinta xilalka noo haya ayey Suudaan waxbarasho noo siisay. Tababarka ciidankii dalka ee Shabaab Muqdisho ka saaray, xilligii Sheekh Shariif, waxaa noo dhistay Suudaan,” ayuu yiri Fiqi oo si kooban u cabbiray garab istaaggii Suudaan. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda sidaas u soo garab istaagtay Soomaaliya aysan dayici doonin. “Mowqifka Soomaaliya waa in la adkeeyo dowladnimada Suudaan, wixii khilaaf ah oo jira waxaan dooneynaa in wadahadal lagu xaliyo. Gogosha wadahadalka, ilaa laga heshiiyo, Soomaaliya waxay dhigeysaa Muqdisho,” ayuu yiri. Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa wareysigaan ku caddeeyey in Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin in dowlad kale ay huriso colaadda ka jirta dalka Suudaan. “Waxaan ka soo horjeednaa cid kasta oo faragelineysa arrimaha gudaha ee dadka Suudaan, weliba faragelin taban,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi. Hadalkaan Wasiir Fiqi waxaa ka horreeyey war-saxaafadeed ay Soomaaliya kasoo saartay marti-gelinta wadahadallada colaadda Suudaan, xilligaas oo Kenya ay iyana sheegtay inay marti-gelin doonto dhexdhexaadinta reer Suudaan. Waxaa jira loolan ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ku kala hormaraya dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya colaadda Suudaan, balse guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, oo Jabuuti kasoo jeeda, ayaa taageeray doorka Soomaaliya, isagoo Kenya ku eedeeyey inay taageerto falaagada dagaalka kula jirta dowladda Suudaan, sidaas darteedna aysan dhexdhexaadiye noqon karin. Share this post Link to post Share on other sites