Sign in to follow this  
Deeq A.

4 qodob oo Xasan Sheekh uu ka tegay inuu uga hadlo khudbaddiisa baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-5-scaled.jpg?fit=2560%2C195

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Sabtidii si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo khudbaddiisa dastuuriga ah ku taabtay qodobo muhiim u ah dowlad-dhiska, arrimaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo hirgelinta doorashooyin dadweyne.

Kalfadhigan oo furitaankiisa ka dib dhacay ayaa waxaa ku gadaamnaa guux iyo hadal-hayn, balse ugu dambeyn wuxuu u qabsoomay si habsami leh, iyadoo in ka badan kala bar tirada guud ee Labada Aqal aysan soo xaadirin.

Madaxweynuhu wuxuu qeybtii hore ee khudbaddiisa ka akhriyay shaashadaha casriga ah ee lagu gudbiyo khudbadaha qoran ee loo yaqaan Teleprompter-ka. Waxay ahayd khudbad kooban oo si tifaftiran isu saaran, balse qeybihii dambe wuxuu ku noqday khudbadihii baahsanaa ee uu jeedin jiray, waxaana la socday tafaasiil aan isaga looga baahnayn oo ay jihooyinka shaqada ku leh ay ahayd inay sharraxaad ka bixiyaan.

Haddaba, waxaan idiin soo gudbineynaa qodobada xasaasiga ah ee uusan Madaxweynuhu soo hadal-qaadin kuwaasoo shacabka Soomaaliyeed ay quud-darreynayeen inay afkiisa maqlaan.

Khilaafka Federaalka iyo Jubaland

Tan iyo markii uu bilowday khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland, waxaa jiray dadaallo ay wadeen dhinacyo kala duwan kuwaasoo looga gol lahaa in xal loogu helo culeysyada ka dhashay khilaafka siyaasadeed ee saameynta taban ku yeeshay isu socodka shacabka Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Wasiirka Deegaanka ee Jamhuuriyadda Kenya, Mudane Aadan Barre Ducaale, oo wareysi siiyay Abdijalil Show, ayaa ku caddeeyay inay Dowladda Kenya ku jirto dadaallo ay ku furdaaminayso khilaafka haatan taagan, taasoo ifafaallo iyo rajo galisay shacabka ku xayiran qeybaha kala duwan ee Jubaland.

Madaxweyne Xasan marnaba ma soo hadal-qaadin ismari-waagan siyaasadeed, taasoo culeys ku ah hannaanka doorasho ee uu doonayo inuu dalka ka hirgeliyo. Maqnaashaha Jubaland ee Golaha Wadatashiga iyo Puntland oo hore uga baxday waxay ka dhigan tahay inaan loo dhammeyn jihada doorasho ee dalku aadayo.

Xadgudubka Imaaraatka ee gobannimada dalka

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa soo dhaweyn heer sare ah iyo qaabilaad maqaamkeedu u dhigmo hoggaamiye dowlad madax-bannaan u sameysay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Waxaa isla shirweynahaas maqaamkooda hoos loogu dhigay madaxdii matalaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inkastoo shirkan uu u furnaa dowladaha, shirkadaha, shakhsiyaadka iyo maalgashadayaasha, haddana maqaamka la siiyay wafdiga Somaliland iyo dhaqaalaha ay Dowladda Imaaraatka ku bixisay inay u fududeyso inuu Cirro la hadlo warbaahinta caalamka, waxay ahayd fursad aysan Somaliland waligeed ka helin fagaarayaasha caalamka. Waa xujo diblomaasiyadeed oo u baahan inuu furo Madaxweyne Xasan, taasoo muujinaysa sida Imaaraatku aanu xushmad ugu haynin Dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Maamulkii hore ee Madaxweyne Farmaajo wuxuu tallaabooyin is xigxiga oo lagu difaacayo qarannimada iyo midnimada ka qaaday Dowladda Imaaraatka, wuxuuna hor caddeeyay Labada Aqal ee Baarlamaanka inaysan u dulqaadan doonin ku xadgudubka gobannimada Soomaaliya. Waa qodob kale oo laga filayay inuu Madaxweynaha khudbaddiisa ku xuso, meel adagna ka istaago. Wuxuuse xaalku noqday dhalanteed iyo dhaan-dabangaalle.

Iibinta dhulka danta guud ee Muqdisho

Bartamihii bishii May ee 2022 ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh xilka kusoo laabtay, wuxuuna qaaday tallaabooyin lagu barakiciyay dad shacab ah oo ku noolaa dhulalka Dowladda. Waxaa hubaal ah inay Dowladda xaq u leedahay inay dhulkeeda soo ceshato, balse su’aasha ku gudban ayaa ah: sidee dowladdu dhul dan guud ay uga soo celisay shacab oo isla shacab kale uga iibisay?

Waxaa jirta in ficilladaas ay ka dhasheen qaylo-dhaan, taasoo shacabkii guryahooda cagafta la galiyay, hoggaamiyayaasha mucaaradka ah – gaar ahaan Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame – iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ay isku si uga falceliyeen.

Inkastoo aan dhag-jalaq loo siinin, walina ay socdaan tallaabooyinka lagu baacsanayo dan-yarta, haddana waxaa laga filayay in Madaxweynuhu la yimaado qorshe uu ku sababeeynayo dib ula noqoshada Dowladda ee dhulalkaas iyo ka ganacsigooda, xeerarka iibka qaranka ee loo maray, iyo halka dhaqaalaha kasoo xarooday lagu bixiyay. Ilaa iyo hadda lama hayo caddeymo muujiyo in dhaqaalahaas lagu shubay qasnadda guud ee Dowladda.

Xil-haynta madax goboleedyada iyo doorashooyinka golaha deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doorashadiisa kaddib olole u galay in dalka laga hirgeliyo doorasho dadweyne oo dhammaan dalka ka qabsoonta. Waxaa la dhisay guddi laga soo xulay taageerayaasha Xisbiga Midowga iyo Horumarinta iyo xigtada mas’uuliyiinta ugu sarreeya dalka. Puntland iyo Jubaland qeyb kama aha qorshahan oo waa ay qaadaceen. Labadooduba waxay qabsadeen doorashooyin ay u madax-bannaan yihiin oo dib loogu doortay Deni iyo Madoobe.

Inkastoo uu khudbaddiisa ku faahfaahiyay in doorasho qof iyo cod ah uu dalka ka hirgelinayo, dhaqaale malaayiin doollar ah loo diyaariyay, qalab casri ah oo hawshaas lagu qabtana lasoo iibiyay, haddana marnaba ma soo hadal-qaadin sidii bisha Juun ee sanadkan oo loo asteeyay doorashooyinka Golaha Deegaanka loo qaban lahaa.

Falanqeeyeyaasha waxay tilmaamayaan in hadalka Madaxweynaha laga dheehan karo inuu doonayo muddo kordhin sharci darro ah oo loo sii sameeyo Dowlad Goboleedyada ku haray xayndaabkiisa, iyo in Gobolka Banaadir lagu sii hayo hannaanka magacaabista iyo qalinka hadba qofka fadhiya kursiga ugu sarreeya Villa Soomaaliya.

Isha: SomaliStream

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this