Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxyo ay Al-Shabaab usoo wadey Muqdisho oo laga hortagay – Sidee?

Recommended Posts

Deeq A.   
Al-Shabaab-Al-Shabab-1.jpeg?fit=960%2C64

Afgooye (Caasimada Online) –  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, isla markaana lala eegtay xubno sar sare oo ka tirsan A-Shabaab.

Duqeymaha oo bartilmaameed ahaa ayaa ka dhacay afar deegaan oo kala ah Hawaay, Sablaale, Xaramka iyo Arbacoow oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana khasaare culus lagu gaarsiiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta ka dhacday Hawaay lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qaraxyo waday, kuna soo jeediyay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka war heleen diyaaradaha dagaalka, kadibna ay ku dhufteen gantaallo culus.

Sidoo kale duqeynta ka dhacday Sablaale ayaa lagu khaarijiyay xubno u badan ajaaniib ay kooxda u diyaarisay inay ka qayb qaataan dagaallada culus ee ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo intooda badan lagu laayay goobta lagu duqeeyay

Waxaa kale oo la beegsaday horjoogayaal kale oo ku sugnaa deegaannada Xaramka iyo Arbacoow oo iyaguna loo gaystay khasaare culus, kadib markii ay beegsadeen diyaaradaha xalay duqeymaha saf marka ah ka fuliyay deegaannadaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in weeraradan dhanka cirka ah lagu dilay xubnihii ugu badnaa oo isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad, ayna gaareyso tirada dhimashada illaa sodomeeyo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana burur xoogan laga dareemayaa afarta deegaan ee ay duqeymaha ka dhaceen, balse lagama heli karo xogo sugan, maadaama ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab oo inta badan qariya khasaaraha kasoo gaara weerarada cirka ah.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda, waxaana badanaa ka dhaca weeraro culus oo lagu beegsado maleeshiyaadka argagixisada oo iyaguna beegsada saldhigyada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka AUSSOM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this