Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ku dhawaaqday inay doorashooyin qof iyo cod ah ka qabaneyso Jubbaland iyo Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza-Xamsa-iyo-Xasan-Sheekh.jpeg?fit=20

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo bixiyay wareysi xasaasi ah oo uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan doorashooyinka dalka.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay Villa Soomaaliya qorsheyneyso inay ka qabato dalka, si dadweynaha loogu celiyo awoodda.

Wasiirka arrimaha dibadda oo wax laga waydiiyay muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka ayaa sheegay in dadaal wayn uu socda, isla markaana xal la gaari doono isaga oo ku dhowaaqay in xittaa maamullada Jubbaland iyo Puntland oo haatan diidan qorshaha Villa Soomaaliya ay ka qabanayaan qof iyo codka, sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Macallin Fiqi ayaa intaasi kusii daray in laga gudbi doono nidaamkii hore ee caqabadda badnaa, dalkana ay ka dhaceyso doorasho daah-furan oo cadaalad ah.

“Waa laga gudbayaa nidaamka is addoonsiga in qof maamul-goboleed jooga saf loo galo, shacabkana rahmad uma haysan karo, doorashada way ka dhacaysaa Puntland iyo Jubbaland.” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ka dalbaday inay ku kalsoonaadaan dowladdooda, ayna u diyaar garoobaan doorashooyinka dhacaya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Soomaaliya ay ku jirto xaalad jahwareer siyaasadeed ah oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka oo illaa iyo hadda isku fahmi la’yihiin madaxda dowladda, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar kamid ah madax-goboleedyda dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this