Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ku guuleysatay soo celinta awoodeedii QM – Maxay sameysay?

Recommended Posts

Deeq A.   
Calan-DF-Somalia-Coat-scaled.jpeg?fit=25

New York (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta xaqiijiysay guul kale oo ay wayn oo 35 sano kadib ay gaartay, iyada oo  ku guulaysatay in ay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa dadaal badan bixisay guushan oo muddo dheer soo socotay, waxayna sidaas kusoo ceshatay awoodeedii Golaha Qaramada Midoobay.

Dowladaha aan bixin qaraanka ayaan wax cod ah ku lahayn fadhiyada golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, laakiin Soomaaliya ayaa hadda ka baxday liiskaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka warbixiysay dadaalka ay sameysay dowladda Soomaaliya iyo sida ay ku timid in ay ka baxdo dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in madaxda Soomaaliyeed ay waqti badan ku bixiyeen sidii loo bixin lahaa qaaraanka, si Soomaaliya usoo ceshato awoodeeda, maadaama markii ay hore kulamada qaar ee Golaha Ammaanka QM ka ahayd dhageysta uun oo kaliya.

“Guusha ay ka dhigan tahaya waxa ay tahay in sanad weliba la yeeriyo oo listiga Soomaaliya laga yeerin jiray oo ergada iyo madaxda meeshaas tegta ay weji gabax kala kulmi jireen marka korkaaga lagu yeeriyo lacag lagu leeyahay Soomaaliya” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Mararka qaarkood waxaa la’iska xiran jiray codka oo laguu diidayaa oo waxaa tahay xubin dhageyste iska ah, halka dowladihii nala midka ahaa ay codeynayaan go’aan ay leeyihiin hadalkooda ay gaysanayaan”.

Dhowaan Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kana mid noqotay 15-ka xubnood ee golahaasi, waxaana bilowday xubinnimada cusub ee Soomaaliya iyada oo laga dhawaajiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta Axdiga QM iyo ka shaqeynta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

480571320_691149093240065_89642047778554

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this